caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Baqara, aayadda 187

Madiina · kala horreynta soo dejinta 87 · 2:187

أُحِلَّ لَكُمْ لَيْلَةَ ٱلصِّيَامِ ٱلرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَآئِكُمْ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَخْتَانُونَ أَنفُسَكُمْ فَتَابَ عَلَيْكُمْ وَعَفَا عَنكُمْ فَٱلْـَٰٔنَ بَٰشِرُوهُنَّ وَٱبْتَغُوا۟ مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَكُمْ وَكُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ ٱلْخَيْطُ ٱلْأَبْيَضُ مِنَ ٱلْخَيْطِ ٱلْأَسْوَدِ مِنَ ٱلْفَجْرِ ثُمَّ أَتِمُّوا۟ ٱلصِّيَامَ إِلَى ٱلَّيْلِ وَلَا تُبَٰشِرُوهُنَّ وَأَنتُمْ عَٰكِفُونَ فِى ٱلْمَسَٰجِدِ تِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَقْرَبُوهَا كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ ءَايَٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna [45], wuuna idinka tawbad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70