caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Baqara, aayadda 178

Madiina · kala horreynta soo dejinta 87 · 2:178

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ كُتِبَ عَلَيْكُمُ ٱلْقِصَاصُ فِى ٱلْقَتْلَى ٱلْحُرُّ بِٱلْحُرِّ وَٱلْعَبْدُ بِٱلْعَبْدِ وَٱلْأُنثَىٰ بِٱلْأُنثَىٰ فَمَنْ عُفِىَ لَهُۥ مِنْ أَخِيهِ شَىْءٌ فَٱتِّبَاعٌۢ بِٱلْمَعْرُوفِ وَأَدَآءٌ إِلَيْهِ بِإِحْسَٰنٍ ذَٰلِكَ تَخْفِيفٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَرَحْمَةٌ فَمَنِ ٱعْتَدَىٰ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَلَهُۥ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub178. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, waana in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Arrinkani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70