وَإِذِ ٱبْتَلَىٰٓ إِبْرَٰهِـۧمَ رَبُّهُۥ بِكَلِمَٰتٍ فَأَتَمَّهُنَّ قَالَ إِنِّى جَاعِلُكَ لِلنَّاسِ إِمَامًا قَالَ وَمِن ذُرِّيَّتِى قَالَ لَا يَنَالُ عَهْدِى ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub124. (Xus) markuu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan kaaga dhigi Iimaam (hoggaamiye) dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid ubadkeyga. (Alle) wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan daalimiinta (gar ma qaatayaasha).