وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَٰقَكُمْ وَرَفَعْنَا فَوْقَكُمُ ٱلطُّورَ خُذُوا۟ مَآ ءَاتَيْنَٰكُم بِقُوَّةٍ وَٱذْكُرُوا۟ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. (Xusuusta) markaan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxaan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (shirkiga iyo xumaha kale).