caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Baqara, aayadda 61

Madiina · kala horreynta soo dejinta 87 · 2:61

وَإِذْ قُلْتُمْ يَٰمُوسَىٰ لَن نَّصْبِرَ عَلَىٰ طَعَامٍ وَٰحِدٍ فَٱدْعُ لَنَا رَبَّكَ يُخْرِجْ لَنَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلْأَرْضُ مِنۢ بَقْلِهَا وَقِثَّآئِهَا وَفُومِهَا وَعَدَسِهَا وَبَصَلِهَا قَالَ أَتَسْتَبْدِلُونَ ٱلَّذِى هُوَ أَدْنَىٰ بِٱلَّذِى هُوَ خَيْرٌ ٱهْبِطُوا۟ مِصْرًا فَإِنَّ لَكُم مَّا سَأَلْتُمْ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ ٱلذِّلَّةُ وَٱلْمَسْكَنَةُ وَبَآءُو بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُوا۟ يَكْفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقْتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا۟ وَّكَانُوا۟ يَعْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa,oo leh bagalkiisa, qiyaarkiisa, sareenkiisa, toontiisa, digirtiisa iyo basashiisa. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? U daadega magaalo uun, waxaad ka heli waxaad dalabteen. Dulli iyo darxumo baana lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Alle (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Alle, oo ku dileen Nabiyo gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70