قُولُوٓا۟ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيْنَا وَمَآ أُنزِلَ إِلَىٰٓ إِبْرَٰهِـۧمَ وَإِسْمَٰعِيلَ وَإِسْحَٰقَ وَيَعْقُوبَ وَٱلْأَسْبَاطِ وَمَآ أُوتِىَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَمَآ أُوتِىَ ٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمْ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ وَنَحْنُ لَهُۥ مُسْلِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub136. Dhaha: Waxaanu rumeynay Alle iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala sooceynona axad ka mid ah (Rususha), oo (Alle) baan u hoggaansannahay.