وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِۦ يَٰقَوْمِ إِنَّكُمْ ظَلَمْتُمْ أَنفُسَكُم بِٱتِّخَاذِكُمُ ٱلْعِجْلَ فَتُوبُوٓا۟ إِلَىٰ بَارِئِكُمْ فَٱقْتُلُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ عِندَ بَارِئِكُمْ فَتَابَ عَلَيْكُمْ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u tawbad keena Uumihiinna oo is dila [12], Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay tawbaddiinnii, hubaal waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.