إِن تُبْدُوا۟ ٱلصَّدَقَٰتِ فَنِعِمَّا هِىَ وَإِن تُخْفُوهَا وَتُؤْتُوهَا ٱلْفُقَرَآءَ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَيُكَفِّرُ عَنكُم مِّن سَيِّـَٔاتِكُمْ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub271. Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, haddaadse qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Waxaa la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Alle waxaad fashaan waa u Xog Ogaal.