وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِـۧمُ رَبِّ ٱجْعَلْ هَٰذَا بَلَدًا ءَامِنًا وَٱرْزُقْ أَهْلَهُۥ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ مَنْ ءَامَنَ مِنْهُم بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ قَالَ وَمَن كَفَرَ فَأُمَتِّعُهُۥ قَلِيلًا ثُمَّ أَضْطَرُّهُۥٓ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلنَّارِ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. (Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise gaalooba, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun meel la ahaado.