قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ أَنۢبِئْهُم بِأَسْمَآئِهِمْ فَلَمَّآ أَنۢبَأَهُم بِأَسْمَآئِهِمْ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّىٓ أَعْلَمُ غَيْبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu (Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaan?