caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Burooj البروج

22 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 27

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1.Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُتِلَ أَصْحَٰبُ ٱلْأُخْدُودِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Xaqiiq kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Fircoon iyo Thamuud?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ هُوَ قُرْءَانٌ مَّجِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى لَوْحٍ مَّحْفُوظٍۭ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70