Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Raaca 'Qur’aanka' la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan Alle oo u yeedhataan).Yaraa intaad waantowdaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda dulmigay ku falayeen Aayadahayaga dartiis.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Ha yeeshee shaydaanka baa si hoos ah wax ugu sheegay, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; wuxuuna yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin (Qiyaamaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Markay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Alle ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Alle waxaydaan cilmi u lahayn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad, una jeediya wejiyadiinna (qibladda, Kacbada Makkah ku taal markaad tukaneysaan) masjid kasta gudahi, baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar daahir ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta, cuna oo cabba, hana xadgudbina, hubaal Alle ma jecla kuwa xad gudba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Dheh: Wuxuu Rabbigay xaareemeeyey xumaha oo dhan (zinada, iwm) si caddaan ah loo falo iyo qarsoodiba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada (dulmiga iyo aabiga), iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Alle wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Alle waxaydaan aqoon u laheyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ummad walba (oo gaalowda) waxay leedahay ajal 'muddo' go’an (halaaggooda); markay ajashoodu timaaddona kama dib dhacaan saacadna, kamana soo hor maraan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, idin soo gaadhsiinaya Aayadahayga 'raaca', ciddii ka dhowrsata (xumaha) oo sama fasha, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi, ilaa markay Rusushayadu (malakul mowtka iyo kalkaaliyayaashiisa) u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan: Meeye waxaad baryi (caabudi) jirteen Alle sokadi? Waxay odhan: Way naga dhumeen oo tageen: waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen gaalo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furayo albaabbada samada, mana galayaan Jannada jeer rati maro daloolka irbadda. Sidaasaanna u abaal marinnaa denbiilayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41.Waxay ku leeyihiin Jahannama gogollo dab ah, korkoodana waxaa ah daboollo dab ah. Sidaasaanna u abaal marinnaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waadhi weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen haddii uusan Alle nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fali jirteen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle (Islaamka), ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysneyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Dhexdooda waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxay u dhawaaqina ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu (kuwa ku sugan meelaha sare - Al acraaf) weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (taagga sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Ma kuwani baa kuwa aad dhaar ku marteen, in aanu Alle ku galladeysaneyn Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma aha cabsi dushiinna, mana murugooneysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Ehlu Naarku waxay u dhawaaqi ehlu Jannaha (oo ku odhan): Noogu soo deeqa biyo ama wuxuu Alle idinku irsaaqay. Waxay odhan: Alle wuu ka xarrimay gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Kuwa ka yeesha diintooda madaddaalo iyo dheel ay hoddayna noloshan adduunku. Marka maanta waanu hilmaami (uga tegi Naarta) siday u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo siday Aayadahayaga u dafiri jireen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxaan u keennay Kitaab (Qur’aan) aanu u caddeynay si ogaal ah, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen (waayeen) waxay (ilaahyo) been abuuran jireen (oo wax uma tarin waayo wax jira ma aheyn).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, barya (Alle) idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Alle waxay u dhowdahay sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Waa Isaga Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, inaad xusuusataan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, iyo inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) qolodii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Alle si aad u liibaantaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Alle Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxaad noogu gooddido haddaad run sheegeyso.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Markaasaan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, mana ay aheyn mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. (Waxaan u dirnay) Thamuud walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya, ma lihdin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad baa idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Alle, hana u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale waxaa idin qaban cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka idinkoo ka sameeya dooxooyinkeeda daaro waaweyn, kana qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Alle, hana ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Innagu waxa lala soo diray waanu rumeynay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku yidhi tolkiisii: Ma waxaad la timaaddaan xumaato (khaniisnimo) aanu idiinka horreyn cidna ka mid ah caalamka?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Jawaabtii qolodiisii ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara (Luud iyo inta rumeysay) magaaladiinna, waa dad is daahirinayee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Alle (Islaamka) kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, xusuusta markaad aheydeen kuwo yar, markaasuu idin badiyay. Oo eega siday ku dambeysey cidhibta kuwa wax fasahaadsha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Haddayse koox idinka mid ah rumeysay waxa la ila soo diray, kooxna ayna rumeyn, haddaba samra (suga) ilaa intuu Alle noo kala garsooro dhexdeenna, Isagaana u wanaagsan inta wax garsoorta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diinteenna 'dhaqankayaga'. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey. Nagumana habboona inaan u noqonno, inuu Alle, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Alle baanu tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) qaxar iyo jirrooyin, bal inay soo dabcaan oo na baryaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaasaan qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Alle, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Alle aan aheyn kuwa khasaaray.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaan idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah) oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Ma leennahay ujro haddaan innagu adkaanno?.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa tab aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. Ma jiro waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan oo u addoonsanno), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub131. Markay samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Haddii (xaalad) xun ku dhacdona, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Ogaada, baaskoodu, wuxuu uun jiraa Alle agti, badankooduse ma ogsoona.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub134. Markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, waanu ku rumayn, waxaana kugu dari Ilmaha Israa’iil.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub135. Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaadhaan, bay markaas ka baxeen ballankii ay qaadeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub136. Markaasaan ka aargudannay oo aan ku harqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga, waxayna ahaayeen kuwo ka dhoohan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay [2]. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, samirkoodii awgi iyo u dul qaadashadoodii (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba [3].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub144. (Alle) wuxuu yidhi: Muusow! Waxaan kaa doortay dadka (waqtigan si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kula soo diray iyo Hadalkeyga ee qaado waxaan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa (ku) mahdiya (Alle).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub151. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii denbi dhaaf aniga iyo walaalkay, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub154. Markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, waxaana ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub155. Wuxuu ka doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad halaagi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo halaageysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo denbi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakadana bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa [7]. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub158. (Nabi Muxammadow) dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuulka Alle ee loo soo diray idinka oo dhan, Allahaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Alle iyo Rusuulkiisa, Nabiga aan waxna qorin, waxna akhriyin, ee rumeysan Alle iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan 'Qudus' [8] oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub162. Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee dulmiga falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi [9]. Markaasaan kaga soo dejinnay cirka cadaab dulmigoodii dartiis.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub163. Weydii (Yuhuudda) magaaladii (Eila) ee ku ag tiil badda (cas, dadkeedii), markay ku xadgudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti aheynna uma timaaddo. Sidaasaan u imtixaannay caasintoodii awgii.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub164. Markay jameeco ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Alle halligayo, ama ku cadaabi cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo inay Alle ka cabsadaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub168. Waxaana ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay u soo laabtaan (adeecidda Alle).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub170. Kuwase qabsada Kitaabka oo iyaga ka mid ah (kuwooda soo islaamay) oogana salaadda, Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub171. (Xus) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore [10], waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii [11] aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub179. Waxaan u abuurnay Jahannama in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, indho aysan wax ku arag, iyo dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwaa waa kuwa ka dhoohan (Xaqa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa [13]. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub181. Waxaa ka mid ah waxaan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa (ummadda Nabi Muxammad), kuna ooga caddaaladda
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban) meel aanay ogeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub185. Miyaanay fiirin boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Alle abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay rumaynayaan kani (Qur’aanka) kaddib?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub186.Qofkii Alle lumiyo ma leh hanuuniye; wuxuuna ku daayaa xadgudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) u galmooday (xaaskiisa) bay qaadday uur yar, oo halkaas ka sii wadday, markay cuslaatay, waxay labaduba baryeen Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdeen): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub190. Markase uu siiyey dhal hagaagsan, waxay u yeeleen shariigyo 'ay la wadaajiyaan cibaadada' wuxuu siiyey [14]. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub194. Xaqiiq, kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee barya ha idin ajiibeene haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i sugina oo i siinnina wax fursad ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub196. Xaqiiq Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub198. Haddaad ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya, haddana aan waxba arkayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub199. (Muuji cafis iyo masaamax oo) qaado waxa fudud (ee la heli karo dhib la’aan), amar wanaagga, kana jeeso jaahiliinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub200. Hadduu fikrad xun kuu soo jeediyona shaydaan, ka magan gal Alle. Isagaa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub201. Xaqiiq kuwa ka cabsada Alle, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub205. Ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc iyo cabsi leh adigoon kor ugula tanaagooneyn codka aroor iyo galabba, hana ka mid noqon kuwa dhoohan.