Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Uma timaaddo Aayad (Calaamad, mucjiso, xujo, daliil, iwm) ka mid ah Aayadaha Rabbigood, waase ka jeesadaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay gaalada odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku tawbad keenaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Haddaan ka yeello malag, waxaan ka yeeli laheyn nin, markaasaan iskaga dari lahayn arrinka siday iyaguba isaga daraan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaa dhab ahaan lagu jees jeesay Rusul kaa horreysey, waxaa se ku digtayaashii ka midka ahaa ku dhacay (Ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, ilaah, rabbi) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaa wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Ha ka mid noqoninna mushrikiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Hadduu Alle ku taabsiiyo dhib, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa aan Isaga ahayn, hadduu ku taabsiiyona khayr, Isagaa wax walba Kara.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Dheh: Maxaa u weyn Marag? Dheh: Alle baa ah Maragga dhexdeenna aniga iyo idinka; waxaana la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kasta uu gaadho. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Alle la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kacayo. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad la wadaajisaan (Alle cibaadada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Eeg Siday uga been sheegeen nafahooda, ugana dhumeen waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo aan jirin ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin (Xaqa), iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo (mucjiso) kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa gaalooba yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxay ka reebaan dadka (rumeynta Nabiga iyo dhageysiga Qur’aanka) iyaguna ka sii fogaadaan, mana halligayaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Waxaase u muuqan waxay kal hore qarinayeen, oo haddii dib loogu celin lahaa (adduunka), waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay, waana beenalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, nalamana soo saarayo (dhimashadayada kddib).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan: Soo ma aha kani (Naarta) Xaq? Waxay odhan: Haah,Rabbiyow.Wuxuu odhan: Haddabs dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniya la kulanka Alle (ee Aakhiro), jeer markay Saacadda (Qiyaame) ugu timaaddo si kedis ah, waxay odhan: Alla innaguye waxaan ka gaabinnay oo ku gabood fallay darteed, waxayna ku xambaari culeysyadooda (denbiyadooda) dhabarradooda, xumaa waxay xambaari (oo denbiyo ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), ee miyaydaan garowsaneyn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Waxaan ognahay inay waxay (been) sheegaan runtii ku murugo geliso (Nabiyow): Mase aha adiga waxay beeninayaan, waase Aayadaha Alle waxay daalimiintu (gar diidku) dafirayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxaa dhab ahaan la beeniyey Rusul kaa horreeyey, wayse ku samreen beenintii iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, mana jiraan wax beddeli kara kelmedaha Alle. Waxaana ku soo gaaray warkii Rususha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Hadday kugu weynaatayna (cuslaatay) ka jeedsigoodu (xaggaaga Nabiyow iyo Xaqa lagula soo diray oo aadan u samri karin), haddaba haddaad karto inaad god ka yeelato arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (samee). Hadduu Alle doono wuxuu ku soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Kuwaa wax maqla (mu'miniinta) uun baa ajiiba (baaqa Alle), meytidase (gaalada), Alle baa soo bixin, Xaggiisaana loo celin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Waxay yidhaahdeen: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo (Mucjisad) xagga Rabbigi ah? Dheh: Alle wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, badankooduse ma oga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka [1], markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo ka dhega la’ (Xaqa) oo ka af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Alle wuu lumiyaa, qofkuu doonana wuxuu yeelaa Jid Toosan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Maxay markuu u yimid Ciqaabkayaga, u soo hogan waayeen? Quluubtoodaase qallashay, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey iyo wixii loogu gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxay ku sugan yihiin quus daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Dheh: Bal ka warrama hadduu Alle qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daboosha; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah ee idiin keeni? Eeg sidaan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Dheh: Bal ka warrama, hadduu idiinku yimaado Cadaabka Alle kedis ama caddaan; Miyaa la halaagaa waxaan aheyn qoloda daalimiinta (gar diidka) ah?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Alle, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon, idinkumana dhahayo waxaan anigu ahay malag. Waxaan uun raacaa waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan indhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan fakaraynin?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Oo ugu dig (Qur’aanka) kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Alle uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi. Dheh:Raaci maayo hawadiin- na, waayo (haddii aan sidaas yeelo), waan lumi, kamana mid ahaanayo kuwa hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Alle Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. (Alle) waa Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), wuxuuna ogsoon yahay waxaad kasabtaan maalinnimada (oo khayr ama shar ah), haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban, Xaggiisaana la idiin celin, markaasuu idiin sheegi wixii aad fasheen (oo dhan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. War walbaa wuxuu leeyahay sal dhig iyo muddo uu ku dhammado, waadna ogaan doontaan (gaaloy waxa idinku dhaca).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay galaan war kale.Hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadka daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Kuwa dhowrsoon waxba kama saarna xisaabtooda (gaalada iyo caasiyaasha), waxayse ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay (oo denbiyo ah), ma laha Alle sokadi wax gargaare ah iyo shafeeco midna. Hadday isku furotona madax furasho kasta aan laga aqbaleyn. Waa kuwaa kuwa loo halaagi waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), waxaa lagu abaal marin sharaab biyo kulul oo karaya ah iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Dheh: Ma waxaan barinnaa (caabudnaa) Alle sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, ma waxaana dib naloogu celin cirbahayaga kaddib markuu Alle na hanuuniyey? (markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhaha): Noo kaalay. Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka) uun baa ah hanuunka toosan, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabbiga uumanka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Sidaasaan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan ka mid noqon qoloda lunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Tolkayow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Anigu waxaan u jeediyey wejigayga anoo toosan xagga (Alle, ee ah) Kan askumay (ahaysiiyey) samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Waxaa la dooday qolodiisii; wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Alle? isagoo I hanuuniyey; ma ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi (iyo Awood). Ee ma waydaan waansamayn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Sidee baan uga cabsan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku ka cabsanin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Taasi waa xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim qolodiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Kaasi waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeenna Alle cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Kuwaa waa kuwa aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Hadday kuwani rumeyn diidaan, waxaan u xil saarnay qolo aan Xaqa diidin (Muslimiinta).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Kuwaa (Nabiyada) weeye kuwa uu Alle hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa u waano uumanka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Kani (Qur’aanka) waa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan rumeyn (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Kuwa rumeysan aakhirada baa rumeyn 'Qur’aanka' waxayna u dhowraan salaadahooda si joogto ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo dejin wax la mid ah wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah? Haddaad arki lahayd markay daalimiinta ku sugan yihiin sakaraadka mowtka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin cadaabta dulleynta waxaad Alle ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Waxaadna aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Waxaad noogu timaaddeen keli keli sidaan idiin abuurnay awal horeba. Waxaadna uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysan- nay. Ma aragno la jirkiin shafeecayaa- shiinnii aad ku sheegi jirteen inay shuruko Alle la yihiin. Dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen (baryeyseen oo ilaahyo been ah) waad weydeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Xaqiiq, waa Alle Kan dhanbala iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa meyd wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa la idiinka jeediyey?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Waa Kan ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Waxaana ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhow oo aan fogeyn iyo beero ah canab, zaytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada midhihiisa markuu midho dhalo iyo bisaylkiisa. Waxaa waxa kani ugu sugan calaamooyin ciddii (Xaqa) rumayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaa wax kasta u wakiil ah (ilaaliya).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga (Alle) Rabbigaa, ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, isagana jeeso mushrikiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Hadduu doono Alle, uma ay shariig yeeleen cidna, ma aanu kaaga dhigin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Waxay ku dhaartaan Alle midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo (mucjiso) ay rumaynayaan [7]. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Alle, maxaase idin ogeysiinaya markay (mucjiso) u timaaddo inayan rumayneyn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna uga tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay kala hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa moog yihiin oo ma garanayaan (Xaqa aad uga keentay xagga Alle).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walbaa cadow - shayaadiinta ku jira dadka iyo jinka, qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay ku hodaan. Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxay been abuuranba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Waa si ay ugu iilato laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxay kasban (oo denbiyo ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Ma cidaan ahayn Alle baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Alle. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Ee cuna waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub119. Maxaad la cuni weydeen waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), Wuxuu horay (Alle) idiinku caddeeyey wuxuu idinka xaaraanshay - waxay dani idinku qabato ma'ahee. Kuwo badan baa ku lumiya (dadka) hawadooda aqoon la’aan darteed. Rabbigaa waa Og yahay kuwa xadgudba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Ha cunina waxa (hilibka neefka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan [8], haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122. Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo baxayn? Sidaasaa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. Qofkii uu Alle rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub131. Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub132. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub135. Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal faliye, waadse ogaan doontaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal ma liibaanaan daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub136. Waxay qayb u yeelaan Alle [9], ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Alle - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Alle, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Alle wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub137. Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (Alle) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub138. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuneyn ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Alle - iyagoo ku been abuuranaya. Wuu ka jaazeyn waxay been abuurteen darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub139. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, waana ka xaaraan xaasaskayaga, hadduu baqti yahayna, way wadaagaan dhammaantood. Wuu ka goyn waxay been u nisbeeyeen (Alle). Hubaal, Alle Waa Xakiim Fal iyo Odhaah san, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan darteed [10], xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub141. (Alle) waa Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahayn, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo zaytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuse kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna midhahiisa markay soo saaraan midho, bixiyana xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa, hana xad dhaafina, Alle ma jecla kuwa xad dhaafa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Alle idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub143. Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub144. Geelana labo (lab iyo dheddig) lo’dana labo (lab iyo dheddig). Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen markuu Alle idin amray arrinkani? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub145.Dheh:Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee baqti ama dhiig horay u soo butaaca (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar, waayo waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid ee wax kale aan aheyn (Magaca) Alle lagu xusay dusheeda (markii la gowracayey), qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, aan xad gudbeynna, hubaal Rabbigaa waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub146. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh [11], xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay dulmigoodii dartiis, run baana sheegaynaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub148. Kuwa ah mushrikiinta waxay odhan: Hadduu Alle doono, ma aanu u shariig yeelneyn innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Alle banneeyey). Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabkayaga. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, waxaadna uun sheegtaan beeno.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub150. Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Alle xaaraameeyey waxakani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Hana raacin hawooyinka kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, ee Rabbigood wax la sima oo la mid dhiga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; u muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Alle xaaraameeyey arrin xaq ah [12] maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad garowsataan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub153. (Ogow) in kani (Islaamka) yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale ee idinka duwi Jidkiisa. (Arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kitaabkaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub155. Kanina waa Kitaab (Qur’aan) aan soo dejinnay, barakeysan, ee raaca oo iska jira (xumaha) si la idiinku naxariisto.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub156. Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab lagu soo dejiyey labo qolo oo naga horreeyay, innaguna waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxay akhristeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub157. Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo dejin lahaa, waxaan ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan waxaa idiinka yimid Xujo Cad (Qur’aan) xagga Rabbigiin, oo ah hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Alle oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub158. Ma waxay sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku (mid ka mid ah waxyaalahan), innaguna 'sidoo kale' waan sugaynaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub159. Hubaal, kuwa ku kala tagay diintooda oo noqday dariiqooyin (kala duwan), waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Alle, markaasuu wuxuu u sheegi waxay falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub160. Qofkii la yimaada camal san, wuxuu heli toban laabkeed wax la mid ah, qofkiise la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah iyagoon la dulmeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub163. Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, Waxaana ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Alle).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub165. (Alle) waa Kan idinka yeelay kuwo isku xigsada dhulka oo ka taliya, kana sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo wuxuu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.