caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Kahf الكهف

110 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 69

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَيِّمًا لِّيُنذِرَ بَأْسًا شَدِيدًا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ay ku negaadi weligood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ وَلَا لِـَٔابَآئِهِمْ كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَٰهِهِمْ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا۟ بِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَسَفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى ٱلْأَرْضِ زِينَةً لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَٰبَ ٱلْكَهْفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُوا۟ مِنْ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Mise, ma waxaad mooddaa in 'dhacdadii' qolodii hogga iyo looxa 'ay ku qornaayeen magacayadoodu' [2] ay yihiin kuwa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan [3]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ أَوَى ٱلْفِتْيَةُ إِلَى ٱلْكَهْفِ فَقَالُوا۟ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَضَرَبْنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمْ فِى ٱلْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ بَعَثْنَٰهُمْ لِنَعْلَمَ أَىُّ ٱلْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓا۟ أَمَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِٱلْحَقِّ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ ءَامَنُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَٰهُمْ هُدًى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا۟ فَقَالُوا۟ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَا۟ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهًا لَّقَدْ قُلْنَآ إِذًا شَطَطًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda [4] samir (iyo iimaan), markay kaceen [5] oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰٓؤُلَآءِ قَوْمُنَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّوْلَا يَأْتُونَ عَلَيْهِم بِسُلْطَٰنٍۭ بَيِّنٍ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذِ ٱعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأْوُۥٓا۟ إِلَى ٱلْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudaanba Alle maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَى ٱلشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمْ فِى فَجْوَةٍ مِّنْهُ ذَٰلِكَ مِنْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلْمُهْتَدِ وَمَن يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيًّا مُّرْشِدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaad arki lahayd qorraxda markay soo baxdo oo uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, markay dhacdona ka goyneysa gadaal xagga bidix, iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Alle. Qofkuu Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkuu lumiyana u helimeysid gargaare hanuunsha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَكَلْبُهُم بَٰسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِٱلْوَصِيدِ لَوِ ٱطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ رُعْبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifa [6], waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَٰهُمْ لِيَتَسَآءَلُوا۟ بَيْنَهُمْ قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ قَالُوا۟ رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَٱبْعَثُوٓا۟ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَآ أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh iyo dhimrin, yeysanna cidina idin ogaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِى مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Xaqiiq hadday idin ogaadaan way idin dhagaxyeynayaan, ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, mana liibaaneysaan markaas weligiin .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ أَعْثَرْنَا عَلَيْهِمْ لِيَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيْبَ فِيهَآ إِذْ يَتَنَٰزَعُونَ بَيْنَهُمْ أَمْرَهُمْ فَقَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ عَلَيْهِم بُنْيَٰنًا رَّبُّهُمْ أَعْلَمُ بِهِمْ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُوا۟ عَلَىٰٓ أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِم مَّسْجِدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Sidaasaan uga yeellay [7] 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin [8]. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo [9]; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٌ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌ سَادِسُهُمْ كَلْبُهُمْ رَجْمًۢا بِٱلْغَيْبِ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ قُل رَّبِّىٓ أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا قَلِيلٌ فَلَا تُمَارِ فِيهِمْ إِلَّا مِرَآءً ظَٰهِرًا وَلَا تَسْتَفْتِ فِيهِم مِّنْهُمْ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) seddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe [10]. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَقُولَنَّ لِشَا۟ىْءٍ إِنِّى فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Ha odhan waxaasaan fali berritoole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَٱذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰٓ أَن يَهْدِيَنِ رَبِّى لِأَقْرَبَ مِنْ هَٰذَا رَشَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo' [11]. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَبِثُوا۟ فِى كَهْفِهِمْ ثَلَٰثَ مِا۟ئَةٍ سِنِينَ وَٱزْدَادُوا۟ تِسْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلِ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثُوا۟ لَهُۥ غَيْبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ أَبْصِرْ بِهِۦ وَأَسْمِعْ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّ وَلَا يُشْرِكُ فِى حُكْمِهِۦٓ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتْلُ مَآ أُوحِىَ إِلَيْكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُۥ عَن ذِكْرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمْرُهُۥ فُرُطًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Oo ku samirsii naftaada inaad ahaato la jirka kuwa barya (caabuda) Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, hana dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, hana adeecin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca hawadiisa, arrinkiisuna yahay gabood fal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقُلِ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ فَمَن شَآءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَآءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلظَّٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا وَإِن يَسْتَغِيثُوا۟ يُغَاثُوا۟ بِمَآءٍ كَٱلْمُهْلِ يَشْوِى ٱلْوُجُوهَ بِئْسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتْ مُرْتَفَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Dheh: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo; Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi, hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha, Annagu ma dayacno abaalgudka ciddii wanaajisa camalka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ جَنَّٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَٰرُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِّن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ نِعْمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ أَعْنَٰبٍ وَحَفَفْنَٰهُمَا بِنَخْلٍ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Ugu soo qaadna tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كِلْتَا ٱلْجَنَّتَيْنِ ءَاتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْـًٔا وَفَجَّرْنَا خِلَٰلَهُمَا نَهَرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Mid walbaa labada beeroodba ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, kana burqinnay dhexdooda webi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَانَ لَهُۥ ثَمَرٌ فَقَالَ لِصَٰحِبِهِۦ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَنَا۠ أَكْثَرُ مِنكَ مَالًا وَأَعَزُّ نَفَرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Midhona uu leeyahay markaasuu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Anaa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa [12]. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّى لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرْتَ بِٱلَّذِى خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Wuxuu saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya; Ma waxaad ku gaalowday Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana dhibic mani ah, haddana kaa dhigay nin dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِرَبِّىٓ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْلَآ إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog 'iyo xeelad' xagga Alle mooyee? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَعَسَىٰ رَبِّىٓ أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يُصْبِحَ مَآؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِىَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَٰلَيْتَنِى لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّىٓ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Waa la koobay midhahiisii (oo la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu 'kor iyo hoos u' geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمْ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٌ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Uma ahaanin koox u gargaarta oo Alle sokadi ah, mana aha mid is difaaci kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُنَالِكَ ٱلْوَلَٰيَةُ لِلَّهِ ٱلْحَقِّ هُوَ خَيْرٌ ثَوَابًا وَخَيْرٌ عُقْبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Halkaasi [13], awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib san.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا كَمَآءٍ أَنزَلْنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخْتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ ٱلرِّيَٰحُ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ مُّقْتَدِرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso. Alle wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلْمَالُ وَٱلْبَنُونَ زِينَةُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱلْبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ نُسَيِّرُ ٱلْجِبَالَ وَتَرَى ٱلْأَرْضَ بَارِزَةً وَحَشَرْنَٰهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعُرِضُوا۟ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفًّا لَّقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَٰكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍۭ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّن نَّجْعَلَ لَكُم مَّوْعِدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوُضِعَ ٱلْكِتَٰبُ فَتَرَى ٱلْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَٰوَيْلَتَنَا مَالِ هَٰذَا ٱلْكِتَٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحْصَىٰهَا وَوَجَدُوا۟ مَا عَمِلُوا۟ حَاضِرًا وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِۦٓ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِى وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّۢ بِئْسَ لِلظَّٰلِمِينَ بَدَلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuu caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّآ أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلْمُضِلِّينَ عَضُدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يَقُولُ نَادُوا۟ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ زَعَمْتُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُمْ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُم مَّوْبِقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwa aad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَءَا ٱلْمُجْرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمْ يَجِدُوا۟ عَنْهَا مَصْرِفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِى هَٰذَا ٱلْقُرْءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٍ وَكَانَ ٱلْإِنسَٰنُ أَكْثَرَ شَىْءٍ جَدَلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤْمِنُوٓا۟ إِذْ جَآءَهُمُ ٱلْهُدَىٰ وَيَسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّهُمْ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ قُبُلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore [14], ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا نُرْسِلُ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِٱلْبَٰطِلِ لِيُدْحِضُوا۟ بِهِ ٱلْحَقَّ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَٰتِى وَمَآ أُنذِرُوا۟ هُزُوًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعْرَضَ عَنْهَا وَنَسِىَ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ إِنَّا جَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَقْرًا وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى ٱلْهُدَىٰ فَلَن يَهْتَدُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u geysteen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَبُّكَ ٱلْغَفُورُ ذُو ٱلرَّحْمَةِ لَوْ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُوا۟ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلْعَذَابَ بَل لَّهُم مَّوْعِدٌ لَّن يَجِدُوا۟ مِن دُونِهِۦ مَوْئِلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتِلْكَ ٱلْقُرَىٰٓ أَهْلَكْنَٰهُمْ لَمَّا ظَلَمُوا۟ وَجَعَلْنَا لِمَهْلِكِهِم مَّوْعِدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبْرَحُ حَتَّىٰٓ أَبْلُغَ مَجْمَعَ ٱلْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِىَ حُقُبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا بَلَغَا مَجْمَعَ بَيْنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ سَرَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَرَءَيْتَ إِذْ أَوَيْنَآ إِلَى ٱلصَّخْرَةِ فَإِنِّى نَسِيتُ ٱلْحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيْطَٰنُ أَنْ أَذْكُرَهُۥ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ عَجَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ فَٱرْتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَآ ءَاتَيْنَٰهُ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi [15].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ خُبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرًا وَلَآ أَعْصِى لَكَ أَمْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعْتَنِى فَلَا تَسْـَٔلْنِى عَن شَىْءٍ حَتَّىٰٓ أُحْدِثَ لَكَ مِنْهُ ذِكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِى ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَا قَالَ أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا إِمْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72.Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِى بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِى مِنْ أَمْرِى عُسْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo [16], hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَٰمًا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًا زَكِيَّةًۢ بِغَيْرِ نَفْسٍ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا نُّكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan:Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَىْءٍۭ بَعْدَهَا فَلَا تُصَٰحِبْنِى قَدْ بَلَغْتَ مِن لَّدُنِّى عُذْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهْلَ قَرْيَةٍ ٱسْتَطْعَمَآ أَهْلَهَا فَأَبَوْا۟ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥ قَالَ لَوْ شِئْتَ لَتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan [17]; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيْنِى وَبَيْنِكَ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَٰكِينَ يَعْمَلُونَ فِى ٱلْبَحْرِ فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٌ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا ٱلْغُلَٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَآ أَن يُرْهِقَهُمَا طُغْيَٰنًا وَكُفْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَرَدْنَآ أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِّنْهُ زَكَوٰةً وَأَقْرَبَ رُحْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا ٱلْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَٰمَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِى ٱلْمَدِينَةِ وَكَانَ تَحْتَهُۥ كَنزٌ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَٰلِحًا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ وَمَا فَعَلْتُهُۥ عَنْ أَمْرِى ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَسْـَٔلُونَكَ عَن ذِى ٱلْقَرْنَيْنِ قُلْ سَأَتْلُوا۟ عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِى ٱلْأَرْضِ وَءَاتَيْنَٰهُ مِن كُلِّ شَىْءٍ سَبَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab (cilmi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَتْبَعَ سَبَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Wuxuu raacay waddo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِى عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا قُلْنَا يَٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah [18], oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابًا نُّكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba' [19], waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا مَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلْحُسْنَىٰ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Markaasuu raacay waddo (kale),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ ٱلشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَىٰ قَوْمٍ لَّمْ نَجْعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan [20].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Markaasuu raacay waddo (kale),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيْنَ ٱلسَّدَّيْنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوْمًا لَّا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba [21].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ يَٰذَا ٱلْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَىٰٓ أَن تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug [22] ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ مَا مَكَّنِّى فِيهِ رَبِّى خَيْرٌ فَأَعِينُونِى بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ءَاتُونِى زُبَرَ ٱلْحَدِيدِ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيْنَ ٱلصَّدَفَيْنِ قَالَ ٱنفُخُوا۟ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارًا قَالَ ءَاتُونِىٓ أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَا ٱسْطَٰعُوٓا۟ أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا ٱسْتَطَٰعُوا۟ لَهُۥ نَقْبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَٰذَا رَحْمَةٌ مِّن رَّبِّى فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ رَبِّى جَعَلَهُۥ دَكَّآءَ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّى حَقًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigay xaq weeye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِى بَعْضٍ وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَجَمَعْنَٰهُمْ جَمْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99.Waxaan u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale. Waxaa la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan [23].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَرَضْنَا جَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ لِّلْكَٰفِرِينَ عَرْضًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Waxaan u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ كَانَتْ أَعْيُنُهُمْ فِى غِطَآءٍ عَن ذِكْرِى وَكَانُوا۟ لَا يَسْتَطِيعُونَ سَمْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada [24], ee aan kari jirin inay maqlaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن يَتَّخِذُوا۟ عِبَادِى مِن دُونِىٓ أَوْلِيَآءَ إِنَّآ أَعْتَدْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَٰفِرِينَ نُزُلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُم بِٱلْأَخْسَرِينَ أَعْمَٰلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتْ أَعْمَٰلُهُمْ فَلَا نُقِيمُ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وَزْنًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa [25]. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمْ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُوا۟ وَٱتَّخَذُوٓا۟ ءَايَٰتِى وَرُسُلِى هُزُوًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلْفِرْدَوْسِ نُزُلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws [26] degitaan (marti qaad) ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُل لَّوْ كَانَ ٱلْبَحْرُ مِدَادًا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّى لَنَفِدَ ٱلْبَحْرُ قَبْلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّى وَلَوْ جِئْنَا بِمِثْلِهِۦ مَدَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay [27], baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ فَمَن كَانَ يَرْجُوا۟ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَٰلِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدًۢا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70