caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda At-Takwir التكوير

29 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 7

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Oo geela rimman [1] la cidleeyo (oo laga hayaamo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii [2];

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِأَىِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Oo Naarta la huriyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّآ أَحْضَرَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَٰنٍ رَّجِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70