caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ash-Shams الشمس

15 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 26

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يَخَافُ عُقْبَٰهَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kama uuna cabsado cidhibteeda [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70