caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Lail الليل

21 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 9

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لَنَا لَلْـَٔاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70