Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Al-Waaqia
Suuradda Al-Waaqia الواقعة
96 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 46
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Markay dhacdada weyni dhacdo [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha' [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذَا رُجَّتِ ٱلْأَرْضُ رَجًّا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَبُسَّتِ ٱلْجِبَالُ بَسًّا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Buuraha la ridqo ridqin daran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَكَانَتْ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Oo ay noqoto sida boor firdhisan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكُنتُمْ أَزْوَٰجًا ثَلَٰثَةً
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ مَآ أَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwa ah Gacanta Midig?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ مَآ أَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Kuwase ah Gacanta Bidix, waayo kuwa ah Gacanta Bidix?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلسَّٰبِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn [3].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. (Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14.Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe [4].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيْهَا مُتَقَٰبِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Ku dangiigsan korkeeda, si fool ka fool ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفَٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Iyo midho waxay doortaan ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَحُورٌ عِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَأَمْثَٰلِ ٱللُّؤْلُؤِ ٱلْمَكْنُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. La moodo luul la dhowray.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَّا قِيلًا سَلَٰمًا سَلَٰمًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَصْحَٰبُ ٱلْيَمِينِ مَآ أَصْحَٰبُ ٱلْيَمِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwaa ah Gacanta Midig (ehlu Jannaha)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى سِدْرٍ مَّخْضُودٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Iyo geedo Muus ah midho karooran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Iyo har fidsan,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآءٍ مَّسْكُوبٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Iyo biyo u socda joogto,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفَٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Iyo midho tiro badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. iyo joodariyaal sare loo qaaday (oo sariiro saaran).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَنشَأْنَٰهُنَّ إِنشَآءً
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenka Jannada) soo bixid gaar ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَجَعَلْنَٰهُنَّ أَبْكَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Kana dhigi bikrooyin ugub ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عُرُبًا أَتْرَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Gacalooyin (jecel nimankooda), isku wada da’ ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِّأَصْحَٰبِ ٱلْيَمِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَصْحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصْحَٰبُ ٱلشِّمَالِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41.Kuwase ah Gacanta Bidix- waayo kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى سَمُومٍ وَحَمِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Iyo hoos qiiq badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَانُوا۟ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلْحِنثِ ٱلْعَظِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَانُوا۟ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ إِنَّ ٱلْأَوَّلِينَ وَٱلْـَٔاخِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلْمُكَذِّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَـَٔاكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah [5].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَشَٰرِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْحَمِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَشَٰرِبُونَ شُرْبَ ٱلْهِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَحْنُ خَلَقْنَٰكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 57. Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَرَءَيْتُم مَّا تُمْنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda (biyo bixiinna - shawada)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ءَأَنتُمْ تَخْلُقُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلْخَٰلِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ ٱلْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَٰلَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِى مَا لَا تَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَرَءَيْتُم مَّا تَحْرُثُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ءَأَنتُمْ تَزْرَعُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلزَّٰرِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَٰهُ حُطَٰمًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا لَمُغْرَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 67. Balse waa nala hoojiyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَرَءَيْتُمُ ٱلْمَآءَ ٱلَّذِى تَشْرَبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ءَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ ٱلْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنزِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوْ نَشَآءُ جَعَلْنَٰهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَرَءَيْتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِى تُورُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ءَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَآ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنشِـُٔونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَحْنُ جَعَلْنَٰهَا تَذْكِرَةً وَمَتَٰعًا لِّلْمُقْوِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha 'iyo qeyrkoodba' [6].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 74. Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَآ أُقْسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 75. Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 76. Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُۥ لَقُرْءَانٌ كَرِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 77. Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى كِتَٰبٍ مَّكْنُونٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 78. Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُطَهَّرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 79. Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 80. Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَبِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 81. Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 82. oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَوْلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلْحُلْقُومَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 83. Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 84. Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 85. Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَوْلَآ إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 86. Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَرْجِعُونَهَآ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 87. Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 88. Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 89. Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنْ أَصْحَٰبِ ٱلْيَمِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 90. Hadduu ka mid yahayse kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَسَلَٰمٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَٰبِ ٱلْيَمِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 91. Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 92. Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 93. Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 94. Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلْيَقِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 95. Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 96. Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Ar-Rahmaan
Suuradda Al-Hadid →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.