caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Qasas القصص

88 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 49

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ طسٓمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Daa siin Miim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَتْلُوا۟ عَلَيْكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرْعَوْنَ بِٱلْحَقِّ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَآئِفَةً مِّنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَآءَهُمْ وَيَسْتَحْىِۦ نِسَآءَهُمْ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلْمُفْسِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka, wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo dulleysan (dulmin) koox ka mid ah (reer Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya (xumo wadeenka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً وَنَجْعَلَهُمُ ٱلْوَٰرِثِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif ee lagu dulleysanayey arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha (arlada Masar).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنُمَكِّنَ لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَنُرِىَ فِرْعَوْنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا مِنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَحْذَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Oo aan ku awood siinno arlada oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ka digtoonaayeen [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ أُمِّ مُوسَىٰٓ أَنْ أَرْضِعِيهِ فَإِذَا خِفْتِ عَلَيْهِ فَأَلْقِيهِ فِى ٱلْيَمِّ وَلَا تَخَافِى وَلَا تَحْزَنِىٓ إِنَّا رَآدُّوهُ إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxaan u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji (Muuse), markaadse u cabsato ku tuur webiga (Niil), ha cabsan, hana murugoon. Annagaa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْتَقَطَهُۥٓ ءَالُ فِرْعَوْنَ لِيَكُونَ لَهُمْ عَدُوًّا وَحَزَنًا إِنَّ فِرْعَوْنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا۟ خَٰطِـِٔينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxaa soo qaatay reer Fircoon isagoo u noqon cadow iyo (sabab u keenta ciil iyo) murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَتِ ٱمْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِّى وَلَكَ لَا تَقْتُلُوهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوْ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, iyagoon dareensaneyn [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَصْبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَٰرِغًا إِن كَادَتْ لَتُبْدِى بِهِۦ لَوْلَآ أَن رَّبَطْنَا عَلَىٰ قَلْبِهَا لِتَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadi mid maran [4], waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddaanaan adkaynin qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَتْ لِأُخْتِهِۦ قُصِّيهِ فَبَصُرَتْ بِهِۦ عَن جُنُبٍ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Waxay ku tidhi walaashiis (Miriam): Raad raac, waxayna ka eegeysay dhinac fog si qarsoodi ah iyagoon dareemeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحَرَّمْنَا عَلَيْهِ ٱلْمَرَاضِعَ مِن قَبْلُ فَقَالَتْ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰٓ أَهْلِ بَيْتٍ يَكْفُلُونَهُۥ لَكُمْ وَهُمْ لَهُۥ نَٰصِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan [5], markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَرَدَدْنَٰهُ إِلَىٰٓ أُمِّهِۦ كَىْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ وَلِتَعْلَمَ أَنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Waxaan ku soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, una ogaato in wacadka Alle Xaq yahay, dadka badankiisuse ma ogsoona.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَٱسْتَوَىٰٓ ءَاتَيْنَٰهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Markuu (Muuse) tabar galay oo buuxsamay (caqli ahaan), Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَدَخَلَ ٱلْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِۦ فَٱسْتَغَٰثَهُ ٱلَّذِى مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِى مِنْ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ قَالَ هَٰذَا مِنْ عَمَلِ ٱلشَّيْطَٰنِ إِنَّهُۥ عَدُوٌّ مُّضِلٌّ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Wuxuu soo galay magaalada gooray war la' yihiin dadkeedu [6], markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa [7], kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ إِنِّى ظَلَمْتُ نَفْسِى فَٱغْفِرْ لِى فَغَفَرَ لَهُۥٓ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ بِمَآ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ فَلَنْ أَكُونَ ظَهِيرًا لِّلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. (Muuse) wuxuu yidhi:Rabbiyow!Waxaad igu galladeysatay darteed (oo denbi dhaaf ah), marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَصْبَحَ فِى ٱلْمَدِينَةِ خَآئِفًا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِى ٱسْتَنصَرَهُۥ بِٱلْأَمْسِ يَسْتَصْرِخُهُۥ قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰٓ إِنَّكَ لَغَوِىٌّ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, digtoon, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّآ أَنْ أَرَادَ أَن يَبْطِشَ بِٱلَّذِى هُوَ عَدُوٌّ لَّهُمَا قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ أَتُرِيدُ أَن تَقْتُلَنِى كَمَا قَتَلْتَ نَفْسًۢا بِٱلْأَمْسِ إِن تُرِيدُ إِلَّآ أَن تَكُونَ جَبَّارًا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلْمُصْلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa, wuxuu yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidaad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto macangag isla weyn arlada, mana dooneysid inaad ka mid ahaato kuwa wax hagaajiya [8].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَآءَ رَجُلٌ مِّنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ يَسْعَىٰ قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّ ٱلْمَلَأَ يَأْتَمِرُونَ بِكَ لِيَقْتُلُوكَ فَٱخْرُجْ إِنِّى لَكَ مِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Nin baa ka yimid magaalada xaggeeda shishe isagoo rooraya. Wuxuu yidhi: Muusow! Xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso, waxaan anigu xaqiiq kuu ahay daacade.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَخَرَجَ مِنْهَا خَآئِفًا يَتَرَقَّبُ قَالَ رَبِّ نَجِّنِى مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Markaasuu (Muuse) ka baxay (magaalada) isagoo cabsanaya, digtoon. Wuxuuna yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi qolodaa daalimiinta (gar diidka) ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمَّا تَوَجَّهَ تِلْقَآءَ مَدْيَنَ قَالَ عَسَىٰ رَبِّىٓ أَن يَهْدِيَنِى سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Markuu u jahaystay xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمَّا وَرَدَ مَآءَ مَدْيَنَ وَجَدَ عَلَيْهِ أُمَّةً مِّنَ ٱلنَّاسِ يَسْقُونَ وَوَجَدَ مِن دُونِهِمُ ٱمْرَأَتَيْنِ تَذُودَانِ قَالَ مَا خَطْبُكُمَا قَالَتَا لَا نَسْقِى حَتَّىٰ يُصْدِرَ ٱلرِّعَآءُ وَأَبُونَا شَيْخٌ كَبِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadooda wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeeray raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbaheenna waa oday weyn oo da' ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰٓ إِلَى ٱلظِّلِّ فَقَالَ رَبِّ إِنِّى لِمَآ أَنزَلْتَ إِلَىَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), wuxuuna u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi: Rabbiyow! Waxaad I siiso oo khayr ah waan u baahnahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَجَآءَتْهُ إِحْدَىٰهُمَا تَمْشِى عَلَى ٱسْتِحْيَآءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِى يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَا فَلَمَّا جَآءَهُۥ وَقَصَّ عَلَيْهِ ٱلْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ نَجَوْتَ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Markaasaa labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuu u yimid [9] oo uga warramay wixii qisooyin dhacay, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَتْ إِحْدَىٰهُمَا يَٰٓأَبَتِ ٱسْتَـْٔجِرْهُ إِنَّ خَيْرَ مَنِ ٱسْتَـْٔجَرْتَ ٱلْقَوِىُّ ٱلْأَمِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aaminka ah [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنِّىٓ أُرِيدُ أَنْ أُنكِحَكَ إِحْدَى ٱبْنَتَىَّ هَٰتَيْنِ عَلَىٰٓ أَن تَأْجُرَنِى ثَمَٰنِىَ حِجَجٍ فَإِنْ أَتْمَمْتَ عَشْرًا فَمِنْ عِندِكَ وَمَآ أُرِيدُ أَنْ أَشُقَّ عَلَيْكَ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. (Shucayb - Jethro) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaan kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ذَٰلِكَ بَيْنِى وَبَيْنَكَ أَيَّمَا ٱلْأَجَلَيْنِ قَضَيْتُ فَلَا عُدْوَٰنَ عَلَىَّ وَٱللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. (Muuse) wuxuu yidhi: Sidaasi waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkaan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, Alle baana ka damiin 'markhaati' ah waxaanu sheegeyno.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى ٱلْأَجَلَ وَسَارَ بِأَهْلِهِۦٓ ءَانَسَ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ نَارًا قَالَ لِأَهْلِهِ ٱمْكُثُوٓا۟ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا لَّعَلِّىٓ ءَاتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ جَذْوَةٍ مِّنَ ٱلنَّارِ لَعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Markuu dhammaystay Muuse muddadii (toban sano), oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya (u socda Masar) buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah inaad kulaashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِىَ مِن شَٰطِئِ ٱلْوَادِ ٱلْأَيْمَنِ فِى ٱلْبُقْعَةِ ٱلْمُبَٰرَكَةِ مِنَ ٱلشَّجَرَةِ أَن يَٰمُوسَىٰٓ إِنِّىٓ أَنَا ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Markuu yimid halkii (dabka), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka [11] leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنْ أَلْقِ عَصَاكَ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ يَٰمُوسَىٰٓ أَقْبِلْ وَلَا تَخَفْ إِنَّكَ مِنَ ٱلْـَٔامِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal. (Waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, hana cabsan, adigu waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱسْلُكْ يَدَكَ فِى جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ وَٱضْمُمْ إِلَيْكَ جَنَاحَكَ مِنَ ٱلرَّهْبِ فَذَٰنِكَ بُرْهَٰنَانِ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦٓ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَٰسِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, ku nabna gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, waa qolo caasiyaal ahe.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ إِنِّى قَتَلْتُ مِنْهُمْ نَفْسًا فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, waxaan ka cabsan inay i dilaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَخِى هَٰرُونُ هُوَ أَفْصَحُ مِنِّى لِسَانًا فَأَرْسِلْهُ مَعِىَ رِدْءًا يُصَدِّقُنِىٓ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Walaalkay Haaruun baana iga faseexsan carrab (hadal ahaan) ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan ka cabsan inay I beeniyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجْعَلُ لَكُمَا سُلْطَٰنًا فَلَا يَصِلُونَ إِلَيْكُمَا بِـَٔايَٰتِنَآ أَنتُمَا وَمَنِ ٱتَّبَعَكُمَا ٱلْغَٰلِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn cududdaada walaalkaa, waxaana idiin yeeli awood (xujo) marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا بَيِّنَٰتٍ قَالُوا۟ مَا هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّفْتَرًى وَمَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِىٓ ءَابَآئِنَا ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36.Markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ مُوسَىٰ رَبِّىٓ أَعْلَمُ بِمَن جَآءَ بِٱلْهُدَىٰ مِنْ عِندِهِۦ وَمَن تَكُونُ لَهُۥ عَٰقِبَةُ ٱلدَّارِ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa dhab u ogsoon kan kala yimid hanuun Xaggiisa iyo kan lahaan cidhibta wanaagsan ee Daarta [12]. Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَأُ مَا عَلِمْتُ لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرِى فَأَوْقِدْ لِى يَٰهَٰمَٰنُ عَلَى ٱلطِّينِ فَٱجْعَل لِّى صَرْحًا لَّعَلِّىٓ أَطَّلِعُ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّى لَأَظُنُّهُۥ مِنَ ٱلْكَٰذِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Fircoonna wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada [13], markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo eego ilaaha Muuse; waxaan qabaa inuu ka mid yahay beenlowyada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱسْتَكْبَرَ هُوَ وَجُنُودُهُۥ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُمْ إِلَيْنَا لَا يُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Waxay isku kibriyeen isaga iyo askartiisuba arlada xaq darro, waxayna moodeen inaan Xaggeenna loo soo celinayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخَذْنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذْنَٰهُمْ فِى ٱلْيَمِّ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda [14], ee fiiri siday ahayd cidhibtii daalimiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَٰهُمْ أَئِمَّةً يَدْعُونَ إِلَى ٱلنَّارِ وَيَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ لَا يُنصَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Waxaanu ka yeelnay madax [15] wax ugu yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَتْبَعْنَٰهُمْ فِى هَٰذِهِ ٱلدُّنْيَا لَعْنَةً وَيَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ هُم مِّنَ ٱلْمَقْبُوحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay ka mid ahaan kuwa (laga yaqyaqsado) falalkooda xun (ee laga dheereeyey Naxariista Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَٰبَ مِنۢ بَعْدِ مَآ أَهْلَكْنَا ٱلْقُرُونَ ٱلْأُولَىٰ بَصَآئِرَ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَّعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waxaana dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markaan halaagnay qaaruumihii hore, isagoo tusmooyin u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan (oo ku waantoobaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلْغَرْبِىِّ إِذْ قَضَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَى ٱلْأَمْرَ وَمَا كُنتَ مِنَ ٱلشَّٰهِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَٰكِنَّآ أَنشَأْنَا قُرُونًا فَتَطَاوَلَ عَلَيْهِمُ ٱلْعُمُرُ وَمَا كُنتَ ثَاوِيًا فِىٓ أَهْلِ مَدْيَنَ تَتْلُوا۟ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday cumrigii [16]. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay 'Rusuul ahaan' [17].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلطُّورِ إِذْ نَادَيْنَا وَلَٰكِن رَّحْمَةً مِّن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٍ مِّن قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay Muuse. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan (oo waantoobaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْلَآ أَن تُصِيبَهُم مُّصِيبَةٌۢ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَيَقُولُوا۟ رَبَّنَا لَوْلَآ أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ وَنَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo denbiyo ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلْحَقُّ مِنْ عِندِنَا قَالُوا۟ لَوْلَآ أُوتِىَ مِثْلَ مَآ أُوتِىَ مُوسَىٰٓ أَوَلَمْ يَكْفُرُوا۟ بِمَآ أُوتِىَ مُوسَىٰ مِن قَبْلُ قَالُوا۟ سِحْرَانِ تَظَٰهَرَا وَقَالُوٓا۟ إِنَّا بِكُلٍّ كَٰفِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay [18]. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ فَأْتُوا۟ بِكِتَٰبٍ مِّنْ عِندِ ٱللَّهِ هُوَ أَهْدَىٰ مِنْهُمَآ أَتَّبِعْهُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Alle, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِن لَّمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَكَ فَٱعْلَمْ أَنَّمَا يَتَّبِعُونَ أَهْوَآءَهُمْ وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنِ ٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ بِغَيْرِ هُدًى مِّنَ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Alle? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ وَصَّلْنَا لَهُمُ ٱلْقَوْلَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Waxaan si xidhiidhsan (oo qayb qayb ah) u soo gaarsiinnay Qowlka (Qur’aanka), inay xusuustaan (oo waantoobaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَٰهُمُ ٱلْكِتَٰبَ مِن قَبْلِهِۦ هُم بِهِۦ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Kuwaannu siinnay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka hor kani (Qur'aanka) - baa rumeyn [19] waxa ku soo arooray (Qur’aanka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِهِۦٓ إِنَّهُ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّنَآ إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلِهِۦ مُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Marka loo akhriyona (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaanu ahayn isaga ka horba Muslimiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ يُؤْتَوْنَ أَجْرَهُم مَّرَّتَيْنِ بِمَا صَبَرُوا۟ وَيَدْرَءُونَ بِٱلْحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Kuwaas waxaa la siin ajarkooda labo jeer samirkoodii darti, waxayna ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, waxaan ku irsaaqnona wax ka bixiyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا سَمِعُوا۟ ٱللَّغْوَ أَعْرَضُوا۟ عَنْهُ وَقَالُوا۟ لَنَآ أَعْمَٰلُنَا وَلَكُمْ أَعْمَٰلُكُمْ سَلَٰمٌ عَلَيْكُمْ لَا نَبْتَغِى ٱلْجَٰهِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Markay maqlaanna hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna. Nabad gelyo [20], ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّكَ لَا تَهْدِى مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَهْدِى مَن يَشَآءُ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Adigu (Nabi Muxammadow) Ma hanuu- nin kartid ciddaad jecleysato, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Isagaana dhab u ogsoon kuwa hanuunsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوٓا۟ إِن نَّتَّبِعِ ٱلْهُدَىٰ مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَآ أَوَلَمْ نُمَكِّن لَّهُمْ حَرَمًا ءَامِنًا يُجْبَىٰٓ إِلَيْهِ ثَمَرَٰتُ كُلِّ شَىْءٍ رِّزْقًا مِّن لَّدُنَّا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57.Waxay (gaaladii Makkaad) yidhaahdeen: Haddaan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhulkayaga [21]. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno - risiq Xaggayaga ah, badankooduse ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍۭ بَطِرَتْ مَعِيشَتَهَا فَتِلْكَ مَسَٰكِنُهُمْ لَمْ تُسْكَن مِّنۢ بَعْدِهِمْ إِلَّا قَلِيلًا وَكُنَّا نَحْنُ ٱلْوَٰرِثِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Badanaa intaan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusushiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee [22] waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كَانَ رَبُّكَ مُهْلِكَ ٱلْقُرَىٰ حَتَّىٰ يَبْعَثَ فِىٓ أُمِّهَا رَسُولًا يَتْلُوا۟ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتِنَا وَمَا كُنَّا مُهْلِكِى ٱلْقُرَىٰٓ إِلَّا وَأَهْلُهَا ظَٰلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Ma aha Rabbigaana mid halaaga magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Ma halaagno magaalooyinka haddayan aheyn dadkeedu daalimiin (gar ma qaatayaal).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَىْءٍ فَمَتَٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَزِينَتُهَا وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ أَفَلَا تَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Waxa la idin siiyona oo wuxuun ah waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Alle agtiis ah baa khayr roon oo daa’insan. Ee mawaydaan fahmeyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَمَن وَعَدْنَٰهُ وَعْدًا حَسَنًا فَهُوَ لَٰقِيهِ كَمَن مَّتَّعْنَٰهُ مَتَٰعَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ثُمَّ هُوَ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ مِنَ ٱلْمُحْضَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan (ee dhammaaneysa), markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon kuwa la soo xaadirnayo (la keenayo cadaabka)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ كُنتُمْ تَزْعُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. (Ka dig) Maalinta uu (Alle) u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) oo aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ ٱلْقَوْلُ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ أَغْوَيْنَآ أَغْوَيْنَٰهُمْ كَمَا غَوَيْنَا تَبَرَّأْنَآ إِلَيْكَ مَا كَانُوٓا۟ إِيَّانَا يَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi [23] (in la cadaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwaan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidaan u habownay. Waxaan ka nahay barii Adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen [24].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِيلَ ٱدْعُوا۟ شُرَكَآءَكُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُمْ وَرَأَوُا۟ ٱلْعَذَابَ لَوْ أَنَّهُمْ كَانُوا۟ يَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Waxaana lagu odhan: U yeedha Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen (Alle), markaasay u yeedhan, mase ajiibayaan, waxayna arki cadaabka. Markaasay shallaayaan hadday uun hanuuni lahaayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ مَاذَآ أَجَبْتُمُ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. (Xus) Maalinta uu (Alle) u yeedhi oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَعَمِيَتْ عَلَيْهِمُ ٱلْأَنۢبَآءُ يَوْمَئِذٍ فَهُمْ لَا يَتَسَآءَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Markaasay waayi xujooyin [25] maalintaas, waxnana isma weydiinayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَعَسَىٰٓ أَن يَكُونَ مِنَ ٱلْمُفْلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Qofkii ka tawbad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَبُّكَ يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ وَيَخْتَارُ مَا كَانَ لَهُمُ ٱلْخِيَرَةُ سُبْحَٰنَ ٱللَّهِ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Rabbigaa wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doortaa, ma leh iyaguse doorashada. Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَبُّكَ يَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Rabbigaa waa Ogsoon yahay waxay qarin laabahooda iyo waxay muujinba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ لَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلْأُولَىٰ وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَلَهُ ٱلْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Waa Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Isagaa leh ammaan oo idil iyo mahad tan hore (aduuunka) iyo tan dambe (Aakhirada), Isagaana leh Xukunka, Xaggiisaana idinkoo idil la idiin soo celin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيْكُمُ ٱلَّيْلَ سَرْمَدًا إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ مَنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ يَأْتِيكُم بِضِيَآءٍ أَفَلَا تَسْمَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara iftiin, miyeydaan wax maqleyn?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيْكُمُ ٱلنَّهَارَ سَرْمَدًا إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ مَنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ يَأْتِيكُم بِلَيْلٍ تَسْكُنُونَ فِيهِ أَفَلَا تُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِن رَّحْمَتِهِۦ جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ لِتَسْكُنُوا۟ فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxaa ka mid ah Naxariista Alle inuu idiin yeelay habeenka si aad ugu nasataan, iyo maalinta si aad u doonataan Deeqdiisa, iyo inaad u mahad naqdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ كُنتُمْ تَزْعُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. (Ka dig) Maalinta aan u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaajiseen cibaadada?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَزَعْنَا مِن كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا فَقُلْنَا هَاتُوا۟ بُرْهَٰنَكُمْ فَعَلِمُوٓا۟ أَنَّ ٱلْحَقَّ لِلَّهِ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Waxaanu ka soo saari ummad walba markhaati, oo odhan: Keena xujadiinna. Markaasay ogaan inuu Garta leeyahay Alle (Keliya), wayna waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ قَٰرُونَ كَانَ مِن قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ وَءَاتَيْنَٰهُ مِنَ ٱلْكُنُوزِ مَآ إِنَّ مَفَاتِحَهُۥ لَتَنُوٓأُ بِٱلْعُصْبَةِ أُو۟لِى ٱلْقُوَّةِ إِذْ قَالَ لَهُۥ قَوْمُهُۥ لَا تَفْرَحْ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْفَرِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Xaqiiq, wuxuu Qaaruun ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka (maalka) wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh. Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱبْتَغِ فِيمَآ ءَاتَىٰكَ ٱللَّهُ ٱلدَّارَ ٱلْـَٔاخِرَةَ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ ٱلدُّنْيَا وَأَحْسِن كَمَآ أَحْسَنَ ٱللَّهُ إِلَيْكَ وَلَا تَبْغِ ٱلْفَسَادَ فِى ٱلْأَرْضِ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْمُفْسِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, hana halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Alle kuugu sama falay. Ha la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa wax fasaadiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلْمٍ عِندِىٓ أَوَلَمْ يَعْلَمْ أَنَّ ٱللَّهَ قَدْ أَهْلَكَ مِن قَبْلِهِۦ مِنَ ٱلْقُرُونِ مَنْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُ قُوَّةً وَأَكْثَرُ جَمْعًا وَلَا يُسْـَٔلُ عَن ذُنُوبِهِمُ ٱلْمُجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey maalkan oo keliya aqoonteyda. Miyuusan ogayn inuu Alle halaagay horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Lamana weydiiyo denbiyadooda denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِۦ فِى زِينَتِهِۦ قَالَ ٱلَّذِينَ يُرِيدُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا يَٰلَيْتَ لَنَا مِثْلَ مَآ أُوتِىَ قَٰرُونُ إِنَّهُۥ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Markaasuu u soo baxay qolodiisii isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddaanu lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? Isagu runtii wuu nasiib badan yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ وَيْلَكُمْ ثَوَابُ ٱللَّهِ خَيْرٌ لِّمَنْ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا وَلَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلصَّٰبِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Alle (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama fala, lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samra.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَخَسَفْنَا بِهِۦ وَبِدَارِهِ ٱلْأَرْضَ فَمَا كَانَ لَهُۥ مِن فِئَةٍ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُنتَصِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Markaasaan la goynay isagii (Qaaruun) iyo daartiisiiba dhulka. Mana uusan helin koox u gargaarta Alle ka sokow, mana ahayn mid is difaaci kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَصْبَحَ ٱلَّذِينَ تَمَنَّوْا۟ مَكَانَهُۥ بِٱلْأَمْسِ يَقُولُونَ وَيْكَأَنَّ ٱللَّهَ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ وَيَقْدِرُ لَوْلَآ أَن مَّنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَا لَخَسَفَ بِنَا وَيْكَأَنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلْكَٰفِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Alle Kan u fidiya risiqa qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Alle yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh, ma liibaanto gaalo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تِلْكَ ٱلدَّارُ ٱلْـَٔاخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا وَٱلْعَٰقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaanu dhaxalsiin kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, aanna ku falin fasahaad. Cidhibta wanaagsanna waxaa leh kuwa iska jira'xumaha ee dhowra amarrada Alle".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَن جَآءَ بِٱلْحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيْرٌ مِّنْهَا وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجْزَى ٱلَّذِينَ عَمِلُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ إِلَّا مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84.Qofkii la yimaada wanaag [26], wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen (wax la mid ah oo xumaan ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِى فَرَضَ عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ لَرَآدُّكَ إِلَىٰ مَعَادٍ قُل رَّبِّىٓ أَعْلَمُ مَن جَآءَ بِٱلْهُدَىٰ وَمَنْ هُوَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd [27]. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كُنتَ تَرْجُوٓا۟ أَن يُلْقَىٰٓ إِلَيْكَ ٱلْكِتَٰبُ إِلَّا رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ ظَهِيرًا لِّلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada [28].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يَصُدُّنَّكَ عَنْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بَعْدَ إِذْ أُنزِلَتْ إِلَيْكَ وَٱدْعُ إِلَىٰ رَبِّكَ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Alle kaddib marka lagagu soo dejiyey, uguna yeedh 'dadka' xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonnin Mushrikiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ كُلُّ شَىْءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجْهَهُۥ لَهُ ٱلْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Ha baryin (caabudin) la jirka Alle ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee [29]. Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70