caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Alaq العلق

19 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 1

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Ku akhri 'Nabiyow' Magaca Rabbigaa ee abuuray (wax waliba).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِنْ عَلَقٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Ka abuuray aadmiga xinjir.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَّمَ ٱلْإِنسَٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَيَطْغَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ka warran midka ka reeba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَاصِيَةٍ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Food beenley ah oo gefley ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ha u yeedho golihiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70