caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-A'laa الأعلى

19 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 8

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3.Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ee ah Kan soo saara daaqa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ee waani, markay wax tari waanadu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70