caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Ahzaab الأحزاب

73 aayadood · Madiina · kala horreynta soo dejinta 90

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلْكَٰفِرِينَ وَٱلْمُنَٰفِقِينَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Nabiyow! Ku sugnow ka cabsashada Alle (iyo caabuddidi), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّبِعْ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Oo talo saaro Alle, Alle ku Filan wakiil (taliye) ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٍ مِّن قَلْبَيْنِ فِى جَوْفِهِۦ وَمَا جَعَلَ أَزْوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔى تُظَٰهِرُونَ مِنْهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمْ وَمَا جَعَلَ أَدْعِيَآءَكُمْ أَبْنَآءَكُمْ ذَٰلِكُمْ قَوْلُكُم بِأَفْوَٰهِكُمْ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلْحَقَّ وَهُوَ يَهْدِى ٱلسَّبِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale [1], kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen [2]. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱدْعُوهُمْ لِـَٔابَآئِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ ٱللَّهِ فَإِن لَّمْ تَعْلَمُوٓا۟ ءَابَآءَهُمْ فَإِخْوَٰنُكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمْ وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَآ أَخْطَأْتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu [3]. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلنَّبِىُّ أَوْلَىٰ بِٱلْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنفُسِهِمْ وَأَزْوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمْ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِى كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفْعَلُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَوْلِيَآئِكُم مَّعْرُوفًا كَانَ ذَٰلِكَ فِى ٱلْكِتَٰبِ مَسْطُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda [4], xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ أَخَذْنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمْ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٍ وَإِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبْنِ مَرْيَمَ وَأَخَذْنَا مِنْهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Waxaan ka qaadnay ballan adag.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّيَسْـَٔلَ ٱلصَّٰدِقِينَ عَن صِدْقِهِمْ وَأَعَدَّ لِلْكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda [6], Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ جَآءَتْكُمْ جُنُودٌ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا وَجُنُودًا لَّمْ تَرَوْهَا وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idiin yimaadeen ciidammo [7], markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ جَآءُوكُم مِّن فَوْقِكُمْ وَمِنْ أَسْفَلَ مِنكُمْ وَإِذْ زَاغَتِ ٱلْأَبْصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلْقُلُوبُ ٱلْحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُنَالِكَ ٱبْتُلِىَ ٱلْمُؤْمِنُونَ وَزُلْزِلُوا۟ زِلْزَالًا شَدِيدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ يَقُولُ ٱلْمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka [8] yidhaaydeen: Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ قَالَت طَّآئِفَةٌ مِّنْهُمْ يَٰٓأَهْلَ يَثْرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمْ فَٱرْجِعُوا۟ وَيَسْتَـْٔذِنُ فَرِيقٌ مِّنْهُمُ ٱلنَّبِىَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوْرَةٌ وَمَا هِىَ بِعَوْرَةٍ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow [9]! Halkaan joogitaan idiin ma leh ee u noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ دُخِلَتْ عَلَيْهِم مِّنْ أَقْطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُوا۟ ٱلْفِتْنَةَ لَـَٔاتَوْهَا وَمَا تَلَبَّثُوا۟ بِهَآ إِلَّا يَسِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana labo laabeeyeen wax yar mooyee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ كَانُوا۟ عَٰهَدُوا۟ ٱللَّهَ مِن قَبْلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلْأَدْبَٰرَ وَكَانَ عَهْدُ ٱللَّهِ مَسْـُٔولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Oo waxay horay axdi kula galeen Alle inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka). Axdiga Alle waa mid lays weydiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُل لَّن يَنفَعَكُمُ ٱلْفِرَارُ إِن فَرَرْتُم مِّنَ ٱلْمَوْتِ أَوِ ٱلْقَتْلِ وَإِذًا لَّا تُمَتَّعُونَ إِلَّا قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddaad ka carartaan geeri ama dil, markaas laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka) in yar mooyaane.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَن ذَا ٱلَّذِى يَعْصِمُكُم مِّنَ ٱللَّهِ إِنْ أَرَادَ بِكُمْ سُوٓءًا أَوْ أَرَادَ بِكُمْ رَحْمَةً وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Dheh: Waa kuma kan idinka qaban kara Alle hadduu idinla doono dhibaato ama idinla doono naxariis [10]? Umana helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَدْ يَعْلَمُ ٱللَّهُ ٱلْمُعَوِّقِينَ مِنكُمْ وَٱلْقَآئِلِينَ لِإِخْوَٰنِهِمْ هَلُمَّ إِلَيْنَا وَلَا يَأْتُونَ ٱلْبَأْسَ إِلَّا قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Alle dhab ahaan waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba 'dadka jihaadka Jidka Alle' [11], iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya [12]; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَشِحَّةً عَلَيْكُمْ فَإِذَا جَآءَ ٱلْخَوْفُ رَأَيْتَهُمْ يَنظُرُونَ إِلَيْكَ تَدُورُ أَعْيُنُهُمْ كَٱلَّذِى يُغْشَىٰ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْمَوْتِ فَإِذَا ذَهَبَ ٱلْخَوْفُ سَلَقُوكُم بِأَلْسِنَةٍ حِدَادٍ أَشِحَّةً عَلَى ٱلْخَيْرِ أُو۟لَٰٓئِكَ لَمْ يُؤْمِنُوا۟ فَأَحْبَطَ ٱللَّهُ أَعْمَٰلَهُمْ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ee bakhayllada ah xaggiinna [14], markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَحْسَبُونَ ٱلْأَحْزَابَ لَمْ يَذْهَبُوا۟ وَإِن يَأْتِ ٱلْأَحْزَابُ يَوَدُّوا۟ لَوْ أَنَّهُم بَادُونَ فِى ٱلْأَعْرَابِ يَسْـَٔلُونَ عَنْ أَنۢبَآئِكُمْ وَلَوْ كَانُوا۟ فِيكُم مَّا قَٰتَلُوٓا۟ إِلَّا قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin [15], haddayna axzaabtu imaan 'mar kale' [16], waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِى رَسُولِ ٱللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلْيَوْمَ ٱلْـَٔاخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan [17] uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمَّا رَءَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلْأَحْزَابَ قَالُوا۟ هَٰذَا مَا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَصَدَقَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَمَا زَادَهُمْ إِلَّآ إِيمَٰنًا وَتَسْلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen [18], Alle iyo Rasuulkiisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا۟ مَا عَٰهَدُوا۟ ٱللَّهَ عَلَيْهِ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُۥ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ وَمَا بَدَّلُوا۟ تَبْدِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّيَجْزِىَ ٱللَّهُ ٱلصَّٰدِقِينَ بِصِدْقِهِمْ وَيُعَذِّبَ ٱلْمُنَٰفِقِينَ إِن شَآءَ أَوْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama uga tawbad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَدَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِغَيْظِهِمْ لَمْ يَنَالُوا۟ خَيْرًا وَكَفَى ٱللَّهُ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلْقِتَالَ وَكَانَ ٱللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan. Alle waa Xoog Badane, Adkaada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنزَلَ ٱلَّذِينَ ظَٰهَرُوهُم مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ مِن صَيَاصِيهِمْ وَقَذَفَ فِى قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعْبَ فَرِيقًا تَقْتُلُونَ وَتَأْسِرُونَ فَرِيقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka [19] ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَوْرَثَكُمْ أَرْضَهُمْ وَدِيَٰرَهُمْ وَأَمْوَٰلَهُمْ وَأَرْضًا لَّمْ تَطَـُٔوهَا وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda [20] iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin [21]. Alle wax walba wuu Karaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ قُل لِّأَزْوَٰجِكَ إِن كُنتُنَّ تُرِدْنَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا وَزِينَتَهَا فَتَعَالَيْنَ أُمَتِّعْكُنَّ وَأُسَرِّحْكُنَّ سَرَاحًا جَمِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن كُنتُنَّ تُرِدْنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلدَّارَ ٱلْـَٔاخِرَةَ فَإِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلْمُحْسِنَٰتِ مِنكُنَّ أَجْرًا عَظِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِىِّ مَن يَأْتِ مِنكُنَّ بِفَٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ يُضَٰعَفْ لَهَا ٱلْعَذَابُ ضِعْفَيْنِ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labolaabi cadaabka. Arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن يَقْنُتْ مِنكُنَّ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتَعْمَلْ صَٰلِحًا نُّؤْتِهَآ أَجْرَهَا مَرَّتَيْنِ وَأَعْتَدْنَا لَهَا رِزْقًا كَرِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Tiise idinka mid ah ee adeecda Alle iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin ajarkeeda labo jibbaar, waxaana u diyaarin- nay risiq sharaf leh (Jannada gudaheeda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِىِّ لَسْتُنَّ كَأَحَدٍ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِنِ ٱتَّقَيْتُنَّ فَلَا تَخْضَعْنَ بِٱلْقَوْلِ فَيَطْمَعَ ٱلَّذِى فِى قَلْبِهِۦ مَرَضٌ وَقُلْنَ قَوْلًا مَّعْرُوفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal'kiinna' [22], si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin [23], ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَرْنَ فِى بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ ٱلْجَٰهِلِيَّةِ ٱلْأُولَىٰ وَأَقِمْنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعْنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجْسَ أَهْلَ ٱلْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ku sugnaadana guryihiinna [24], hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore [25], oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow [26], iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْنَ مَا يُتْلَىٰ فِى بُيُوتِكُنَّ مِنْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱلْحِكْمَةِ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Alle ah iyo Xikmadda. Hubaal Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْمُسْلِمِينَ وَٱلْمُسْلِمَٰتِ وَٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ وَٱلْقَٰنِتِينَ وَٱلْقَٰنِتَٰتِ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلصَّٰدِقَٰتِ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰبِرَٰتِ وَٱلْخَٰشِعِينَ وَٱلْخَٰشِعَٰتِ وَٱلْمُتَصَدِّقِينَ وَٱلْمُتَصَدِّقَٰتِ وَٱلصَّٰٓئِمِينَ وَٱلصَّٰٓئِمَٰتِ وَٱلْحَٰفِظِينَ فُرُوجَهُمْ وَٱلْحَٰفِظَٰتِ وَٱلذَّٰكِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱلذَّٰكِرَٰتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinka. Alle wuxuu u diyaariyey denbi dhaaf iyo abaalgud weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَٰلًا مُّبِينًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Alle iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah. Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumitaan cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ تَقُولُ لِلَّذِىٓ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَأَنْعَمْتَ عَلَيْهِ أَمْسِكْ عَلَيْكَ زَوْجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخْفِى فِى نَفْسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبْدِيهِ وَتَخْشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَىٰهُ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيْدٌ مِّنْهَا وَطَرًا زَوَّجْنَٰكَهَا لِكَىْ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ حَرَجٌ فِىٓ أَزْوَٰجِ أَدْعِيَآئِهِمْ إِذَا قَضَوْا۟ مِنْهُنَّ وَطَرًا وَكَانَ أَمْرُ ٱللَّهِ مَفْعُولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay [27] adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' [28]. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا كَانَ عَلَى ٱلنَّبِىِّ مِنْ حَرَجٍ فِيمَا فَرَضَ ٱللَّهُ لَهُۥ سُنَّةَ ٱللَّهِ فِى ٱلَّذِينَ خَلَوْا۟ مِن قَبْلُ وَكَانَ أَمْرُ ٱللَّهِ قَدَرًا مَّقْدُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey [29]. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Alle waa qaddar horay ka fula.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخْشَوْنَهُۥ وَلَا يَخْشَوْنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa [30], oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada [31]. Alle wax walba wuu Og yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ ذِكْرًا كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Alle xusid badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Xurmad weyneeyana oo ka hufa (xumaan iyo nuqsaan) aroor iyo galabba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُوَ ٱلَّذِى يُصَلِّى عَلَيْكُمْ وَمَلَٰٓئِكَتُهُۥ لِيُخْرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَكَانَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ رَحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna [32], malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَحِيَّتُهُمْ يَوْمَ يَلْقَوْنَهُۥ سَلَٰمٌ وَأَعَدَّ لَهُمْ أَجْرًا كَرِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Bariidadoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِنَّآ أَرْسَلْنَٰكَ شَٰهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan [33].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذْنِهِۦ وَسِرَاجًا مُّنِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضْلًا كَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تُطِعِ ٱلْكَٰفِرِينَ وَٱلْمُنَٰفِقِينَ وَدَعْ أَذَىٰهُمْ وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo talo saaro Alle. Ku Filan Alle wakiil ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا نَكَحْتُمُ ٱلْمُؤْمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقْتُمُوهُنَّ مِن قَبْلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمْ عَلَيْهِنَّ مِنْ عِدَّةٍ تَعْتَدُّونَهَا فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحًا جَمِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِنَّآ أَحْلَلْنَا لَكَ أَزْوَٰجَكَ ٱلَّٰتِىٓ ءَاتَيْتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتْ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيْكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّٰتِى هَاجَرْنَ مَعَكَ وَٱمْرَأَةً مُّؤْمِنَةً إِن وَهَبَتْ نَفْسَهَا لِلنَّبِىِّ إِنْ أَرَادَ ٱلنَّبِىُّ أَن يَسْتَنكِحَهَا خَالِصَةً لَّكَ مِن دُونِ ٱلْمُؤْمِنِينَ قَدْ عَلِمْنَا مَا فَرَضْنَا عَلَيْهِمْ فِىٓ أَزْوَٰجِهِمْ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ لِكَيْلَا يَكُونَ عَلَيْكَ حَرَجٌ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تُرْجِى مَن تَشَآءُ مِنْهُنَّ وَتُـْٔوِىٓ إِلَيْكَ مَن تَشَآءُ وَمَنِ ٱبْتَغَيْتَ مِمَّنْ عَزَلْتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكَ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَن تَقَرَّ أَعْيُنُهُنَّ وَلَا يَحْزَنَّ وَيَرْضَيْنَ بِمَآ ءَاتَيْتَهُنَّ كُلُّهُنَّ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا فِى قُلُوبِكُمْ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا يَحِلُّ لَكَ ٱلنِّسَآءُ مِنۢ بَعْدُ وَلَآ أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنْ أَزْوَٰجٍ وَلَوْ أَعْجَبَكَ حُسْنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتْ يَمِينُكَ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ رَّقِيبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Alle wuu u jeedaa wax walba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَدْخُلُوا۟ بُيُوتَ ٱلنَّبِىِّ إِلَّآ أَن يُؤْذَنَ لَكُمْ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيْرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنْ إِذَا دُعِيتُمْ فَٱدْخُلُوا۟ فَإِذَا طَعِمْتُمْ فَٱنتَشِرُوا۟ وَلَا مُسْتَـْٔنِسِينَ لِحَدِيثٍ إِنَّ ذَٰلِكُمْ كَانَ يُؤْذِى ٱلنَّبِىَّ فَيَسْتَحْىِۦ مِنكُمْ وَٱللَّهُ لَا يَسْتَحْىِۦ مِنَ ٱلْحَقِّ وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَٰعًا فَسْـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٍ ذَٰلِكُمْ أَطْهَرُ لِقُلُوبِكُمْ وَقُلُوبِهِنَّ وَمَا كَانَ لَكُمْ أَن تُؤْذُوا۟ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓا۟ أَزْوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦٓ أَبَدًا إِنَّ ذَٰلِكُمْ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda [34]. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن تُبْدُوا۟ شَيْـًٔا أَوْ تُخْفُوهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Haddaad muujisaan wax ama qarisaan, hubaal Alle wax walba wuu Og yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا جُنَاحَ عَلَيْهِنَّ فِىٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبْنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخْوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبْنَآءِ إِخْوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبْنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُنَّ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood [35] ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱللَّهَ وَمَلَٰٓئِكَتَهُۥ يُصَلُّونَ عَلَى ٱلنَّبِىِّ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ صَلُّوا۟ عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا۟ تَسْلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Hubaal Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga [36], ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan [37].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ يُؤْذُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Xaqiiq kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يُؤْذُونَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ بِغَيْرِ مَا ٱكْتَسَبُوا۟ فَقَدِ ٱحْتَمَلُوا۟ بُهْتَٰنًا وَإِثْمًا مُّبِينًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Kuwa ku dhibana mu’miniinta iyo mu’minaatka wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ قُل لِّأَزْوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَن يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ ٱلْمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْمُرْجِفُونَ فِى ٱلْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَآ إِلَّا قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka [38] iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوٓا۟ أُخِذُوا۟ وَقُتِّلُوا۟ تَقْتِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سُنَّةَ ٱللَّهِ فِى ٱلَّذِينَ خَلَوْا۟ مِن قَبْلُ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبْدِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waa hannaankii Alle ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heleysid hannaanka Alle wax is beddel ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَسْـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ ٱللَّهِ وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلْكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمْ سَعِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا لَّا يَجِدُونَ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمْ فِى ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيْتَنَآ أَطَعْنَا ٱللَّهَ وَأَطَعْنَا ٱلرَّسُولَا۠

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعْنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii [39], oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبَّنَآ ءَاتِهِمْ ضِعْفَيْنِ مِنَ ٱلْعَذَابِ وَٱلْعَنْهُمْ لَعْنًا كَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوْا۟ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُوا۟ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَقُولُوا۟ قَوْلًا سَدِيدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَٰلَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn [40].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا عَرَضْنَا ٱلْأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱلْجِبَالِ فَأَبَيْنَ أَن يَحْمِلْنَهَا وَأَشْفَقْنَ مِنْهَا وَحَمَلَهَا ٱلْإِنسَٰنُ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومًا جَهُولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen 'Culeyska amaanada' [41]. Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga [42]. Waa dulmi badane, jahli badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلْمُنَٰفِقِينَ وَٱلْمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلْمُشْرِكِينَ وَٱلْمُشْرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًۢا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka [43]. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70