Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga [1] - kuwaa waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in Waxyiga lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq, wax ku hanuuniya Jidka (Alle) Adkaadaha Sare, Ammaanan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Kuwii gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo carrada idin cunto) in la idin abuuri abuur cusub?.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ma Alle buu ka been sheegi mise jin baa ku jira? Mayee, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo habow fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Miyaanay arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo arlo ah? Haddaan doonno, waxaanu la goyn dhulka, ama waxaan ku soo rideynaa gabal cirka ah. Arrinkaasi waxaa ugu sugan calaamo addoon kastoo tawbad keen badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha [2], in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa [5]. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka 'shaqadaa' [6].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Kuma laha (Ibliis) wax awood ah dushooda [14], wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo uguma salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah, waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27.Dheh: I tusa kuwa aad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta), waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: "Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Kuwii la daciifsaday (raciyaddii) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxdii): Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Alle oo u yeello shariigyo. Waxayna muujin qoomamo markay arkaan cadaabka, waxaanu u suri luqumaha kuwa gaaloobay mereegyo bir ah. Miyaa laga abaal marin (gaalada) waxay camal xun faleen mooyee?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu waxa la idinla soo diray ku gaalownay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), dadka badankiisuse ma oga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxaad bixisaanna oo wuxuun ah (sadaqo ah), wax ka khayr badan buu idin siin. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaanu ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxay dhab ahaan horey [22] ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog [23].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen [24], sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.