Bogga hore › Suuradaha › Suuradda As-Sajda
Suuradda As-Sajda السجدة
30 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 75
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Alif laam-miim [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ لَا رَيْبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga uumanka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ بَلْ هُوَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٍ مِّن قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّ وَلَا شَفِيعٍ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Alle waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga [2]. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydaan waansameyn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلْأَرْضِ ثُمَّ يَعْرُجُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥٓ أَلْفَ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah [3].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذَٰلِكَ عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha Sare, Naxariis Badnaha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِىٓ أَحْسَنَ كُلَّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ وَبَدَأَ خَلْقَ ٱلْإِنسَٰنِ مِن طِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Ee ah Kan u dhammeystiray wanaag wax kastuu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُۥ مِن سُلَٰلَةٍ مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahdisaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوٓا۟ أَءِذَا ضَلَلْنَا فِى ٱلْأَرْضِ أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍۭ بَلْ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمْ كَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Waxay (gaaladu) yidhahdaan: Ma markaan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa noqon abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood (ee Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلْمَوْتِ ٱلَّذِى وُكِّلَ بِكُمْ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Dheh: Waxaa idin oofsan Malakul mowd la idiin xil saaray, markaasaa xagga Rabbigiin la idin soo celin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلْمُجْرِمُونَ نَاكِسُوا۟ رُءُوسِهِمْ عِندَ رَبِّهِمْ رَبَّنَآ أَبْصَرْنَا وَسَمِعْنَا فَٱرْجِعْنَا نَعْمَلْ صَٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَوْ شِئْنَا لَـَٔاتَيْنَا كُلَّ نَفْسٍ هُدَىٰهَا وَلَٰكِنْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ مِنِّى لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلْجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجْمَعِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, Qawl xaq ah baase horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (igu caasiya) dhammaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَذُوقُوا۟ بِمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَآ إِنَّا نَسِينَٰكُمْ وَذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْخُلْدِ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا۟ بِهَا خَرُّوا۟ سُجَّدًا وَسَبَّحُوا۟ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud [4] oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ ٱلْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan (sadaqeystaan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَّآ أُخْفِىَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) oo ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَمَن كَانَ مُؤْمِنًا كَمَن كَانَ فَاسِقًا لَّا يَسْتَوُۥنَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلْمَأْوَىٰ نُزُلًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san falayeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُوا۟ فَمَأْوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ كُلَّمَآ أَرَادُوٓا۟ أَن يَخْرُجُوا۟ مِنْهَآ أُعِيدُوا۟ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمْ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَدْنَىٰ دُونَ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَكْبَرِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Waxaanu dhadhansiineynaa cadaabka dhow [5] cadaabka weyn (ee Aakhiro) ka sokow, bal inay (u soo) noqdaan ( Xaqa oo tawbad keenaan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعْرَضَ عَنْهَآ إِنَّا مِنَ ٱلْمُجْرِمِينَ مُنتَقِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَٰبَ فَلَا تَكُن فِى مِرْيَةٍ مِّن لِّقَآئِهِۦ وَجَعَلْنَٰهُ هُدًى لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka [6], ee ha ka shakiyin la kulankiisa [7], Waxaana uga yeelnay (Tawraadda) hanuun reer Israa’iil.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا مِنْهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا لَمَّا صَبَرُوا۟ وَكَانُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا يُوقِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen [8], waxayna ahaayeen kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Hubaal, Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَوَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْقُرُونِ يَمْشُونَ فِى مَسَٰكِنِهِمْ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ أَفَلَا يَسْمَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا نَسُوقُ ٱلْمَآءَ إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلْجُرُزِ فَنُخْرِجُ بِهِۦ زَرْعًا تَأْكُلُ مِنْهُ أَنْعَٰمُهُمْ وَأَنفُسُهُمْ أَفَلَا يُبْصِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلْفَتْحُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ يَوْمَ ٱلْفَتْحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِيمَٰنُهُمْ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Dheh: Maalinta kala xukunku [9] ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَٱنتَظِرْ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Ee isaga jeeso oo sug [10], iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Luqman
Suuradda Al-Ahzaab →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.