caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Luqman لقمان

34 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 57

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Alif Laam Miim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْحَكِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُدًى وَرَحْمَةً لِّلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Kuwa ooga salaadda, bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [3] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِىٓ أُذُنَيْهِ وَقْرًا فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqal, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلنَّعِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah 'Janno'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰلِدِينَ فِيهَا وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّا وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah. Alle waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٍ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna ku tuuray dhulka buuro sugan si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh. Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا خَلْقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِى مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ بَلِ ٱلظَّٰلِمُونَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا لُقْمَٰنَ ٱلْحِكْمَةَ أَنِ ٱشْكُرْ لِلَّهِ وَمَن يَشْكُرْ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ حَمِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaanu dhab ahaan siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Alle. Qofkii ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiise (Alle) ka abaal dhaca, hubaal Alle waa Hodan, Ammaanan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ قَالَ لُقْمَٰنُ لِٱبْنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَٰبُنَىَّ لَا تُشْرِكْ بِٱللَّهِ إِنَّ ٱلشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. (Xus) markuu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin Alle waxba. Shirkigu waa dulmi (gef) aad u Weyne [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَٰلُهُۥ فِى عَامَيْنِ أَنِ ٱشْكُرْ لِى وَلِوَٰلِدَيْكَ إِلَىَّ ٱلْمَصِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga inuu (daryeelo oo) baarri u ahaadolabadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi Aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن جَٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا وَصَاحِبْهُمَا فِى ٱلدُّنْيَا مَعْرُوفًا وَٱتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَىَّ ثُمَّ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cid kale cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan Aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰبُنَىَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِى صَخْرَةٍ أَوْ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَوْ فِى ٱلْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا ٱللَّهُ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Maandhow! Hubaal hadday tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirka kore ama dhulka hoose, Alle wuu keeni. Hubaal, Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah Xeel Dheer.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰبُنَىَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأْمُرْ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱنْهَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Maandhow! Oog salaadda oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed [5], hana ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Alle ma jecla isla weyne walba oo faan badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱقْصِدْ فِى مَشْيِكَ وَٱغْضُضْ مِن صَوْتِكَ إِنَّ أَنكَرَ ٱلْأَصْوَٰتِ لَصَوْتُ ٱلْحَمِيرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, hoosna u dhig codkaaga. Hubaal, kan ugu xun codadka waa cida dameeraha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُۥ ظَٰهِرَةً وَبَاطِنَةً وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَٰبٍ مُّنِيرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Miyeydaan arkayn inuu Alle idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُوا۟ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُوا۟ بَلْ نَتَّبِعُ مَا وَجَدْنَا عَلَيْهِ ءَابَآءَنَآ أَوَلَوْ كَانَ ٱلشَّيْطَٰنُ يَدْعُوهُمْ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Marka lagu yidhaahdona: Raaca waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxaanu ka hellay aabayaashayo. Ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabka dabka huritaanka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن يُسْلِمْ وَجْهَهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَقَدِ ٱسْتَمْسَكَ بِٱلْعُرْوَةِ ٱلْوُثْقَىٰ وَإِلَى ٱللَّهِ عَٰقِبَةُ ٱلْأُمُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Qofkii isu dhiiba isagoo dhan Alle (adeeca, baarri u ah) oo ah samo fale, wuxuu dhab ahaan qabsaday guntin adag (aan go'eyn - waa Tawxiidka). Alle baa loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن كَفَرَ فَلَا يَحْزُنكَ كُفْرُهُۥٓ إِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ فَنُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Qofkii gaalooba yey ku murugo gelin gaalnimadiisu, waa Xaggayaga meel noqodkoodu, Waxaana u sheegi waxay faleen. Hubaal Alle waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نُمَتِّعُهُمْ قَلِيلًا ثُمَّ نَضْطَرُّهُمْ إِلَىٰ عَذَابٍ غَلِيظٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin cadaab adag.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Badankooduse ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ أَنَّمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن شَجَرَةٍ أَقْلَٰمٌ وَٱلْبَحْرُ يَمُدُّهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦ سَبْعَةُ أَبْحُرٍ مَّا نَفِدَتْ كَلِمَٰتُ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Hadday waxa dhulka ku sugan oo geedo ah qalimmo noqdaan, badduna (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Alle. Hubaal, Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا خَلْقُكُمْ وَلَا بَعْثُكُمْ إِلَّا كَنَفْسٍ وَٰحِدَةٍ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal, Alle waa Wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِىٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَأَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Miyeydaan ogeyn in Alle habeenka dhex galiyo maalinta, maalintana dhex gasho habeenka (oo kala badiyo), Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo magacaaban; iyo in Alle waxaad fashaan Og yahay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ ٱلْبَٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle uu Xaq yahay, waxa ka sokeeya ay baryaanna (caabudaan) uu baadil yahay, iyo inuu Alle yahay Sarreeyaha Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱلْفُلْكَ تَجْرِى فِى ٱلْبَحْرِ بِنِعْمَتِ ٱللَّهِ لِيُرِيَكُم مِّنْ ءَايَٰتِهِۦٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Miyaadan ogeyn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Alle [7], si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyinkiisa? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Calaamooyin samir badane kastoo, mahad naq badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوْجٌ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمْ إِلَى ٱلْبَرِّ فَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٍ كَفُورٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan [8]. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ وَٱخْشَوْا۟ يَوْمًا لَّا يَجْزِى وَالِدٌ عَن وَلَدِهِۦ وَلَا مَوْلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِۦ شَيْـًٔا إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geleyn wax abaal ah ilmihiisa, ilmuhuna u geleyn wax abaal ah waalid. Hubaal, Ballanka Alle waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, yaanuna idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) xagga Alle.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِى ٱلْأَرْحَامِ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۢ بِأَىِّ أَرْضٍ تَمُوتُ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌۢ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Hubaal Alle Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, Wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada [9]. Nafina ma oga waxay mudan berri [10], nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah 'Xeel Dheer' [11].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70