Suuradda Ad-Dhuhaa الضحى
11 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 11
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلضُّحَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay Barqada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلَّيْلِ إِذَا سَجَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ لَّكَ مِنَ ٱلْأُولَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًا فَـَٔاوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَوَجَدَكَ ضَآلًّا فَهَدَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَوَجَدَكَ عَآئِلًا فَأَغْنَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَمَّا ٱلْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ee agoon, ha dhibin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنْهَرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→