رَّبَّنَآ إِنِّىٓ أَسْكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِى بِوَادٍ غَيْرِ ذِى زَرْعٍ عِندَ بَيْتِكَ ٱلْمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجْعَلْ أَفْـِٔدَةً مِّنَ ٱلنَّاسِ تَهْوِىٓ إِلَيْهِمْ وَٱرْزُقْهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمْ يَشْكُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn (Makkah), oo Beytkaaga (Kacbada) Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan.