caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ar-Ra'd الرعد

43 aayadood · Madiina · kala horreynta soo dejinta 96

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Alif Laam Miim Raa [1]. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka), oo (Waxyiga) lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa waa Xaq, dadka badankiisuse ma rumeeyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ ٱلَّذِى رَفَعَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ يُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمْ تُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Alle waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga, Wuxuu (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeelaa caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى مَدَّ ٱلْأَرْضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنْهَٰرًا وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ يُغْشِى ٱلَّيْلَ ٱلنَّهَارَ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Alle Waa Kan fidiyey arlada yeelayna dhexdiisa buuro sugan iyo webiyo, midho kastaana ka yeelay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fekeri.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفِى ٱلْأَرْضِ قِطَعٌ مُّتَجَٰوِرَٰتٌ وَجَنَّٰتٌ مِّنْ أَعْنَٰبٍ وَزَرْعٌ وَنَخِيلٌ صِنْوَانٌ وَغَيْرُ صِنْوَانٍ يُسْقَىٰ بِمَآءٍ وَٰحِدٍ وَنُفَضِّلُ بَعْضَهَا عَلَىٰ بَعْضٍ فِى ٱلْأُكُلِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxaa dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba [2], lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن تَعْجَبْ فَعَجَبٌ قَوْلُهُمْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْأَغْلَٰلُ فِىٓ أَعْنَاقِهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ هُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Haddaad yaabtana [3], waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood [4], waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ وَقَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِمُ ٱلْمَثُلَٰتُ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلْمِهِمْ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلْعِقَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab' [5] halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦٓ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٌ وَلِكُلِّ قَوْمٍ هَادٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلْأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ وَكُلُّ شَىْءٍ عِندَهُۥ بِمِقْدَارٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo [6], iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba [7]. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْكَبِيرُ ٱلْمُتَعَالِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَوَآءٌ مِّنكُم مَّنْ أَسَرَّ ٱلْقَوْلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنْ هُوَ مُسْتَخْفٍۭ بِٱلَّيْلِ وَسَارِبٌۢ بِٱلنَّهَارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariya habeenka iyo (kan) socda dharaar cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهُۥ مُعَقِّبَٰتٌ مِّنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ يَحْفَظُونَهُۥ مِنْ أَمْرِ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمْ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوْمٍ سُوٓءًا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela 'malaa’ig' [8], oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Alle [9]. Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُوَ ٱلَّذِى يُرِيكُمُ ٱلْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo la culus.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعْدُ بِحَمْدِهِۦ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِۦ وَيُرْسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمْ يُجَٰدِلُونَ فِى ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلْمِحَالِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Alle, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuu soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono [10], iyaguna waxay ka doodaan arrinka Alle Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهُۥ دَعْوَةُ ٱلْحَقِّ وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُم بِشَىْءٍ إِلَّا كَبَٰسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى ٱلْمَآءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَٰلِغِهِۦ وَمَا دُعَآءُ ٱلْكَٰفِرِينَ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. (Alle keliyaa) mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Kuwaana ay baryaan (caabudaan) sokadiisa waxba uma ajiibi karaan, waxayna ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaadhaan afkiisa, mana gaadhayaan, baryada (cibaadada) gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadil [11].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَظِلَٰلُهُم بِٱلْغُدُوِّ وَٱلْـَٔاصَالِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxaa Alle u sujuuda (oo u hoggaan- san) wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda aroor kasta iyo galbihiiba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ قُلِ ٱللَّهُ قُلْ أَفَٱتَّخَذْتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ لَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ نَفْعًا وَلَا ضَرًّا قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ أَمْ هَلْ تَسْتَوِى ٱلظُّلُمَٰتُ وَٱلنُّورُ أَمْ جَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُوا۟ كَخَلْقِهِۦ فَتَشَٰبَهَ ٱلْخَلْقُ عَلَيْهِمْ قُلِ ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍ وَهُوَ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّٰرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa [12], oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَسَالَتْ أَوْدِيَةٌۢ بِقَدَرِهَا فَٱحْتَمَلَ ٱلسَّيْلُ زَبَدًا رَّابِيًا وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيْهِ فِى ٱلنَّارِ ٱبْتِغَآءَ حِلْيَةٍ أَوْ مَتَٰعٍ زَبَدٌ مِّثْلُهُۥ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْحَقَّ وَٱلْبَٰطِلَ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذْهَبُ جُفَآءً وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمْكُثُ فِى ٱلْأَرْضِ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَالَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Wuxuu (Alle) ka soo dejiyaa biyo daruuraha, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, wuxuu daadku qaadaa sidoo kale alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaasuu Alle tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaasuu Alle u yeelaa tusaalayooyinka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمُ ٱلْحُسْنَىٰ وَٱلَّذِينَ لَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُۥ لَوْ أَنَّ لَهُم مَّا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦٓ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْحِسَابِ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno). Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Jahannama; oo u xun gogol ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَىٰٓ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهْدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلْمِيثَٰقَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلْحِسَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo [13], oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِمْ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُوا۟ مِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً وَيَدْرَءُونَ بِٱلْحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عُقْبَى ٱلدَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جَنَّٰتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنْ ءَابَآئِهِمْ وَأَزْوَٰجِهِمْ وَذُرِّيَّٰتِهِمْ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلَٰمٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ فَنِعْمَ عُقْبَى ٱلدَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقْطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوٓءُ ٱلدَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ وَفَرِحُوا۟ بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ إِلَّا مَتَٰعٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ قُلْ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِىٓ إِلَيْهِ مَنْ أَنَابَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ ٱللَّهِ أَلَا بِذِكْرِ ٱللَّهِ تَطْمَئِنُّ ٱلْقُلُوبُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ طُوبَىٰ لَهُمْ وَحُسْنُ مَـَٔابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha aayatiin wanaagsan [14] bay leeyihiin iyo rug u laabasho fiican (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ أَرْسَلْنَٰكَ فِىٓ أُمَّةٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهَآ أُمَمٌ لِّتَتْلُوَا۟ عَلَيْهِمُ ٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ وَهُمْ يَكْفُرُونَ بِٱلرَّحْمَٰنِ قُلْ هُوَ رَبِّى لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ مَتَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Sidaasaan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxaan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay beeniyaan Raxmaanka (Allaah). Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Xaggiisa noqodkeyga 'tawbadeyda'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ أَنَّ قُرْءَانًا سُيِّرَتْ بِهِ ٱلْجِبَالُ أَوْ قُطِّعَتْ بِهِ ٱلْأَرْضُ أَوْ كُلِّمَ بِهِ ٱلْمَوْتَىٰ بَل لِّلَّهِ ٱلْأَمْرُ جَمِيعًا أَفَلَمْ يَا۟يْـَٔسِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَهَدَى ٱلنَّاسَ جَمِيعًا وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ تُصِيبُهُم بِمَا صَنَعُوا۟ قَارِعَةٌ أَوْ تَحُلُّ قَرِيبًا مِّن دَارِهِمْ حَتَّىٰ يَأْتِىَ وَعْدُ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Haddii uu jiri lahaa Qur’aan ka yeeli buuraha inay socdaan, ama kala goyn dhulka, ama ka hadal siin meytida [15] (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Alle baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeeyey in haddii Alle doono uu hanuunin lahaa dadkoo dhan? Oo kuwa gaalooba, ma deyn doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Alle ka yimaado. Hubaal Alle ma ka baxo Ballankiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدِ ٱسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَأَمْلَيْتُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ثُمَّ أَخَذْتُهُمْ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxaa lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa (Nabi Muxammadow), markaasaan siiyey fursad kuwii gaaloobay, kaddibna waan halaagay. Ee sidee mid daran u ahaa Ciqaabkeygii?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَمَنْ هُوَ قَآئِمٌ عَلَىٰ كُلِّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ وَجَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ قُلْ سَمُّوهُمْ أَمْ تُنَبِّـُٔونَهُۥ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِى ٱلْأَرْضِ أَم بِظَٰهِرٍ مِّنَ ٱلْقَوْلِ بَلْ زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مَكْرُهُمْ وَصُدُّوا۟ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki [16] ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka). Qofkii Alle uu lumiyo [17] ma laha wax hanuunin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّهُمْ عَذَابٌ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَشَقُّ وَمَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxay leeyihiin cadaab nolosha adduunkan, Cadaabka Aakhirada baana ka sii daran, oo ma leh wax ka celin Alle.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّثَلُ ٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ أُكُلُهَا دَآئِمٌ وَظِلُّهَا تِلْكَ عُقْبَى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ وَّعُقْبَى ٱلْكَٰفِرِينَ ٱلنَّارُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada (ee ka dhowrsada xumaha) loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), cidhibta gaaladuna waa Naar.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَٰهُمُ ٱلْكِتَٰبَ يَفْرَحُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمِنَ ٱلْأَحْزَابِ مَن يُنكِرُ بَعْضَهُۥ قُلْ إِنَّمَآ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱللَّهَ وَلَآ أُشْرِكَ بِهِۦٓ إِلَيْهِ أَدْعُوا۟ وَإِلَيْهِ مَـَٔابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Kuwa aan siinnay Kitaabka [18] waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, "Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u tawbad keeno)".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَٰهُ حُكْمًا عَرَبِيًّا وَلَئِنِ ٱتَّبَعْتَ أَهْوَآءَهُم بَعْدَ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّ وَلَا وَاقٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًا مِّن قَبْلِكَ وَجَعَلْنَا لَهُمْ أَزْوَٰجًا وَذُرِّيَّةً وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِىَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ لِكُلِّ أَجَلٍ كِتَابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Waxaana soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay xaasas iyo ubadba [19]. Uma laha Rasuulna (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Alle oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Alle u gooyo oo qoran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَمْحُوا۟ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ وَيُثْبِتُ وَعِندَهُۥٓ أُمُّ ٱلْكِتَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Alle Wuxuu tiraa wuxuu doono (oo ka mid ah axkaanta iyo qeyrkoodba) oo uu sugaa (wuxuu doono oo ka mid ah), Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka [20].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ ٱلَّذِى نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَٰغُ وَعَلَيْنَا ٱلْحِسَابُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno (oo cadaab ah) ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (diinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا نَأْتِى ٱلْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا وَٱللَّهُ يَحْكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكْمِهِۦ وَهُوَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Ma waysan arkayn inaan ku keenno baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda 'furasho ama abaar' [21]? Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَدْ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلِلَّهِ ٱلْمَكْرُ جَمِيعًا يَعْلَمُ مَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ وَسَيَعْلَمُ ٱلْكُفَّٰرُ لِمَنْ عُقْبَى ٱلدَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Kuwii ka horreeyey baa tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar). Gaaladu way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَسْتَ مُرْسَلًا قُلْ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ وَمَنْ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْكِتَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waxay kuwa gaalooba odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Alle baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka [22].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70