Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Yusuf
Suuradda Yusuf يوسف
111 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 53
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Alif Laam Raa [1].
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ قُرْءَٰنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Annaga (Alle ah) baa xaqiiq soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ أَحْسَنَ ٱلْقَصَصِ بِمَآ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانَ وَإِن كُنتَ مِن قَبْلِهِۦ لَمِنَ ٱلْغَٰفِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ إِنِّى رَأَيْتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوْكَبًا وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ رَأَيْتُهُمْ لِى سَٰجِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: "Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ يَٰبُنَىَّ لَا تَقْصُصْ رُءْيَاكَ عَلَىٰٓ إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا۟ لَكَ كَيْدًا إِنَّ ٱلشَّيْطَٰنَ لِلْإِنسَٰنِ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. (Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَذَٰلِكَ يَجْتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكَ وَعَلَىٰٓ ءَالِ يَعْقُوبَ كَمَآ أَتَمَّهَا عَلَىٰٓ أَبَوَيْكَ مِن قَبْلُ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَٰقَ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka 'riyooyinka iyo' dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّقَدْ كَانَ فِى يُوسُفَ وَإِخْوَتِهِۦٓ ءَايَٰتٌ لِّلسَّآئِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihi, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ قَالُوا۟ لَيُوسُفُ وَأَخُوهُ أَحَبُّ إِلَىٰٓ أَبِينَا مِنَّا وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّ أَبَانَا لَفِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki [3] buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo koox ah (toban rag ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱقْتُلُوا۟ يُوسُفَ أَوِ ٱطْرَحُوهُ أَرْضًا يَخْلُ لَكُمْ وَجْهُ أَبِيكُمْ وَتَكُونُوا۟ مِنۢ بَعْدِهِۦ قَوْمًا صَٰلِحِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ لَا تَقْتُلُوا۟ يُوسُفَ وَأَلْقُوهُ فِى غَيَٰبَتِ ٱلْجُبِّ يَلْتَقِطْهُ بَعْضُ ٱلسَّيَّارَةِ إِن كُنتُمْ فَٰعِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَا مَا لَكَ لَا تَأْمَ۫نَّا عَلَىٰ يُوسُفَ وَإِنَّا لَهُۥ لَنَٰصِحُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَرْسِلْهُ مَعَنَا غَدًا يَرْتَعْ وَيَلْعَبْ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Nala dir berri si uu u miro cuno oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ إِنِّى لَيَحْزُنُنِىٓ أَن تَذْهَبُوا۟ بِهِۦ وَأَخَافُ أَن يَأْكُلَهُ ٱلذِّئْبُ وَأَنتُمْ عَنْهُ غَٰفِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan".
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ لَئِنْ أَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّآ إِذًا لَّخَٰسِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Waxay yidhaahdeen: 'Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay kuwo khasaaray".
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا ذَهَبُوا۟ بِهِۦ وَأَجْمَعُوٓا۟ أَن يَجْعَلُوهُ فِى غَيَٰبَتِ ٱلْجُبِّ وَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِ لَتُنَبِّئَنَّهُم بِأَمْرِهِمْ هَٰذَا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Markay la tageen oo ay ku heeshiiyeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Waxaan (Yuusuf) u waxyoonnay: 'Waxaad (maalin uun) u sheegi doontaa arrinkani iyagoo aan ku baraarugsaneyn".
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَآءُوٓ أَبَاهُمْ عِشَآءً يَبْكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَٰعِنَا فَأَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ وَمَآ أَنتَ بِمُؤْمِنٍ لَّنَا وَلَوْ كُنَّا صَٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waanu tagnay inaan tartanno, waxaana ku dhaafnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaasay yey cuntay adiguse nama ru- maysanaysid walow aan run sheegayno".
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَآءُو عَلَىٰ قَمِيصِهِۦ بِدَمٍ كَذِبٍ قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا فَصَبْرٌ جَمِيلٌ وَٱللَّهُ ٱلْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Waxayna keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah [4]. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Mayee, nafahiinnaa idiin qirxisay arrin. Samirkaase wanaagsan. Allena waa Kan laga kaalmeysto waxaad tilmaameysaan".
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَآءَتْ سَيَّارَةٌ فَأَرْسَلُوا۟ وَارِدَهُمْ فَأَدْلَىٰ دَلْوَهُۥ قَالَ يَٰبُشْرَىٰ هَٰذَا غُلَٰمٌ وَأَسَرُّوهُ بِضَٰعَةً وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِمَا يَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Waxaa yimid socoto, waxayna direen biyo dhaamiyahoodii, oo hoos (ceelka) ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: "Waa bishaaree! kani waa wiil yar"; wayna qarsadeen badeeco ahaan. Alle wuu Ogaa waxay fali.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَشَرَوْهُ بِثَمَنٍۭ بَخْسٍ دَرَٰهِمَ مَعْدُودَةٍ وَكَانُوا۟ فِيهِ مِنَ ٱلزَّٰهِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Waxayna siisteen qiimo yar - dhowr qadaadiic oo fiddo ah, waxayna ahaayeen kuwo aan u heyn wax rabitaan ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ ٱلَّذِى ٱشْتَرَىٰهُ مِن مِّصْرَ لِٱمْرَأَتِهِۦٓ أَكْرِمِى مَثْوَىٰهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوْ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدًا وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلِنُعَلِّمَهُۥ مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ وَٱللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰٓ أَمْرِهِۦ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Kii gatay oo reer Masar ahaa [5] wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada (Masar), iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allaana adag xagga arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥٓ ءَاتَيْنَٰهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Markuu tabar galay (Yuusuf), waxaan siinnay fahmo iyo cilmi, sidaasaana ku abaal marinnaa sama falayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَرَٰوَدَتْهُ ٱلَّتِى هُوَ فِى بَيْتِهَا عَن نَّفْسِهِۦ وَغَلَّقَتِ ٱلْأَبْوَٰبَ وَقَالَتْ هَيْتَ لَكَ قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ إِنَّهُۥ رَبِّىٓ أَحْسَنَ مَثْوَاىَ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Waxaa doontay tii uu gurigeedii joogay inay u soo jiiddo xumaan (zino), waxayna xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: "Allaan ka magan galay (zino iyo khiyaano). Hubaal Rabbigay wuu wanaajiyey hoygeyga. Mana liibaanaan daalimiintu."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ هَمَّتْ بِهِۦ وَهَمَّ بِهَا لَوْلَآ أَن رَّءَا بُرْهَٰنَ رَبِّهِۦ كَذَٰلِكَ لِنَصْرِفَ عَنْهُ ٱلسُّوٓءَ وَٱلْفَحْشَآءَ إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُخْلَصِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Way ku hammiday (doontay inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa [6], hadduusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta, zinada 'iyo khiyaanada'. Hubaal wuxuu ka mid yahay addoomahayaga daacadda ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱسْتَبَقَا ٱلْبَابَ وَقَدَّتْ قَمِيصَهُۥ مِن دُبُرٍ وَأَلْفَيَا سَيِّدَهَا لَدَا ٱلْبَابِ قَالَتْ مَا جَزَآءُ مَنْ أَرَادَ بِأَهْلِكَ سُوٓءًا إِلَّآ أَن يُسْجَنَ أَوْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Waxay labaduba u orotameen albaabka, oo ka jeexday shaarkiisa xagga dambe (isagoo ka cararaya denbi), waxayna kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: "Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama cadaab xanuun badan?"
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ هِىَ رَٰوَدَتْنِى عَن نَّفْسِى وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنْ أَهْلِهَآ إِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن قُبُلٍ فَصَدَقَتْ وَهُوَ مِنَ ٱلْكَٰذِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Wuxuu yidhi: Iyadaa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, isaguna been buu sheegi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٍ فَكَذَبَتْ وَهُوَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, isaguna run buu sheegi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا رَءَا قَمِيصَهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٍ قَالَ إِنَّهُۥ مِن كَيْدِكُنَّ إِنَّ كَيْدَكُنَّ عَظِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: "Taasi waa dhagartiinna, dhagartiinnu way weyn tahay (haweenkow)."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُوسُفُ أَعْرِضْ عَنْ هَٰذَا وَٱسْتَغْفِرِى لِذَنۢبِكِ إِنَّكِ كُنتِ مِنَ ٱلْخَاطِـِٔينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan [7] oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis denbigaaga. Waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ نِسْوَةٌ فِى ٱلْمَدِينَةِ ٱمْرَأَتُ ٱلْعَزِيزِ تُرَٰوِدُ فَتَىٰهَا عَن نَّفْسِهِۦ قَدْ شَغَفَهَا حُبًّا إِنَّا لَنَرَىٰهَا فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: "Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, jaceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaan u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا سَمِعَتْ بِمَكْرِهِنَّ أَرْسَلَتْ إِلَيْهِنَّ وَأَعْتَدَتْ لَهُنَّ مُتَّكَـًٔا وَءَاتَتْ كُلَّ وَٰحِدَةٍ مِّنْهُنَّ سِكِّينًا وَقَالَتِ ٱخْرُجْ عَلَيْهِنَّ فَلَمَّا رَأَيْنَهُۥٓ أَكْبَرْنَهُۥ وَقَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ وَقُلْنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا هَٰذَا بَشَرًا إِنْ هَٰذَآ إِلَّا مَلَكٌ كَرِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen ku dhaygageen, (weyneyn darteed) oo iska sareen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan quruxdiisa) oo yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan 'xumaan' [8] Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَتْ فَذَٰلِكُنَّ ٱلَّذِى لُمْتُنَّنِى فِيهِ وَلَقَدْ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفْسِهِۦ فَٱسْتَعْصَمَ وَلَئِن لَّمْ يَفْعَلْ مَآ ءَامُرُهُۥ لَيُسْجَنَنَّ وَلَيَكُونًا مِّنَ ٱلصَّٰغِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Waxay tidhi: "Kani waa midkaad igu eedayseen, anigaana doonay naftiisa, wuuse is dhowray, hadduusanna falin waxaan amrayo, wallee waa la xabbisi, wuxuuna ka mid noqon kuwa la liido."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ رَبِّ ٱلسِّجْنُ أَحَبُّ إِلَىَّ مِمَّا يَدْعُونَنِىٓ إِلَيْهِ وَإِلَّا تَصْرِفْ عَنِّى كَيْدَهُنَّ أَصْبُ إِلَيْهِنَّ وَأَكُن مِّنَ ٱلْجَٰهِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Rabbiyow! Xabbiskaan ka jeclahay waxay iigu yeedhi (oo xume ah). Haddaadan iga weecin dhagartooda, waan u iilan oo ka mid noqon jaahiliinta."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْتَجَابَ لَهُۥ رَبُّهُۥ فَصَرَفَ عَنْهُ كَيْدَهُنَّ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Markaasuu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey dhagartooda, hubaal (Alle) waa Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoonaha ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ بَدَا لَهُم مِّنۢ بَعْدِ مَا رَأَوُا۟ ٱلْـَٔايَٰتِ لَيَسْجُنُنَّهُۥ حَتَّىٰ حِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen caddeymaha [9] inay xidhaan ilaa muddo [10].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَدَخَلَ مَعَهُ ٱلسِّجْنَ فَتَيَانِ قَالَ أَحَدُهُمَآ إِنِّىٓ أَرَىٰنِىٓ أَعْصِرُ خَمْرًا وَقَالَ ٱلْـَٔاخَرُ إِنِّىٓ أَرَىٰنِىٓ أَحْمِلُ فَوْقَ رَأْسِى خُبْزًا تَأْكُلُ ٱلطَّيْرُ مِنْهُ نَبِّئْنَا بِتَأْوِيلِهِۦٓ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلْمُحْسِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: "Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro." Kii kalena wuxuu yidhi: "Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayeen." Noo sheeg fasirkeeda. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ لَا يَأْتِيكُمَا طَعَامٌ تُرْزَقَانِهِۦٓ إِلَّا نَبَّأْتُكُمَا بِتَأْوِيلِهِۦ قَبْلَ أَن يَأْتِيَكُمَا ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِى رَبِّىٓ إِنِّى تَرَكْتُ مِلَّةَ قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ كَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Wuxuu yidhi: "Ma jirto cunto la idin siin oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Alle oo ah kuwa beeniya Aakhirada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱتَّبَعْتُ مِلَّةَ ءَابَآءِىٓ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَٰقَ وَيَعْقُوبَ مَا كَانَ لَنَآ أَن نُّشْرِكَ بِٱللَّهِ مِن شَىْءٍ ذَٰلِكَ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ عَلَيْنَا وَعَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Alle noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan 'Alle'.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَٰصَٰحِبَىِ ٱلسِّجْنِ ءَأَرْبَابٌ مُّتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka, Maquuniya (daalimiinta iyo islaweynayaasha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ أَسْمَآءً سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَٰنٍ إِنِ ٱلْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّآ إِيَّاهُ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Ma caabuddaan Alle Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah [11]. Xukunka ma leh cidaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَٰصَٰحِبَىِ ٱلسِّجْنِ أَمَّآ أَحَدُكُمَا فَيَسْقِى رَبَّهُۥ خَمْرًا وَأَمَّا ٱلْـَٔاخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ ٱلطَّيْرُ مِن رَّأْسِهِۦ قُضِىَ ٱلْأَمْرُ ٱلَّذِى فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Labadayda Saaxiib ee xabsigow [12]! Ma Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, ma kan kale, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa la xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ لِلَّذِى ظَنَّ أَنَّهُۥ نَاجٍ مِّنْهُمَا ٱذْكُرْنِى عِندَ رَبِّكَ فَأَنسَىٰهُ ٱلشَّيْطَٰنُ ذِكْرَ رَبِّهِۦ فَلَبِثَ فِى ٱلسِّجْنِ بِضْعَ سِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: "Igu xus mudanahaaga agtiisa"; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ ٱلْمَلِكُ إِنِّىٓ أَرَىٰ سَبْعَ بَقَرَٰتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعَ سُنۢبُلَٰتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَٰتٍ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَأُ أَفْتُونِى فِى رُءْيَٰىَ إِن كُنتُمْ لِلرُّءْيَا تَعْبُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Boqorkii wuxuu yidhi: "Waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوٓا۟ أَضْغَٰثُ أَحْلَٰمٍ وَمَا نَحْنُ بِتَأْوِيلِ ٱلْأَحْلَٰمِ بِعَٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Waxay yidhaahdeen: "Waa riyooyin qarow isku qasan ah, innaguna ma naqaanno fasirka riyooyinka."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ ٱلَّذِى نَجَا مِنْهُمَا وَٱدَّكَرَ بَعْدَ أُمَّةٍ أَنَا۠ أُنَبِّئُكُم بِتَأْوِيلِهِۦ فَأَرْسِلُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii badbaaday oo xusuustay (Yuusuf) muddo dheer kaddib baa yidhi: "Anigaa idiin sheegi fasirka riyadaase ee i dira."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُوسُفُ أَيُّهَا ٱلصِّدِّيقُ أَفْتِنَا فِى سَبْعِ بَقَرَٰتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعِ سُنۢبُلَٰتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَٰتٍ لَّعَلِّىٓ أَرْجِعُ إِلَى ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka riyada ah toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدتُّمْ فَذَرُوهُ فِى سُنۢبُلِهِۦٓ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تَأْكُلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Waxaad wax beeran toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah intaad cuni.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ يَأْتِى مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تُحْصِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Markaas waxaa imaan intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni waxaad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah waxaad kaydsateen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ يَأْتِى مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ ٱلنَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Markaas waxaa imaan intaas kaddib sano ay dadku heli roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo iyo zaytuun)."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ ٱلْمَلِكُ ٱئْتُونِى بِهِۦ فَلَمَّا جَآءَهُ ٱلرَّسُولُ قَالَ ٱرْجِعْ إِلَىٰ رَبِّكَ فَسْـَٔلْهُ مَا بَالُ ٱلنِّسْوَةِ ٱلَّٰتِى قَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ إِنَّ رَبِّى بِكَيْدِهِنَّ عَلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf." Markuu farriin sidihii u yimid (Yuusuf), wuxuu yidhi: "U noqo mudanahaaga oo weydii muxuu ahaa xaalka haweenkii iska saray farahooda? Rabbigay waa og yahay dhagartooda."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ مَا خَطْبُكُنَّ إِذْ رَٰوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفْسِهِۦ قُلْنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا عَلِمْنَا عَلَيْهِ مِن سُوٓءٍ قَالَتِ ٱمْرَأَتُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْـَٰٔنَ حَصْحَصَ ٱلْحَقُّ أَنَا۠ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفْسِهِۦ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Wuxuu yidhi: "Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?" Waxay yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa" [13]. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: "Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذَٰلِكَ لِيَعْلَمَ أَنِّى لَمْ أَخُنْهُ بِٱلْغَيْبِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى كَيْدَ ٱلْخَآئِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Alle toosinin dhagarta khaa’iniinta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أُبَرِّئُ نَفْسِىٓ إِنَّ ٱلنَّفْسَ لَأَمَّارَةٌۢ بِٱلسُّوٓءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّىٓ إِنَّ رَبِّى غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Ma eed tirayo nafteyda [14], naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Hubaal Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ ٱلْمَلِكُ ٱئْتُونِى بِهِۦٓ أَسْتَخْلِصْهُ لِنَفْسِى فَلَمَّا كَلَّمَهُۥ قَالَ إِنَّكَ ٱلْيَوْمَ لَدَيْنَا مَكِينٌ أَمِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf, waxaan u gaar yeeli nafteyda (la taliyaheyga ahaan)." Markuu la hadlayna, wuxuu yidhi: "Waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ ٱجْعَلْنِى عَلَىٰ خَزَآئِنِ ٱلْأَرْضِ إِنِّى حَفِيظٌ عَلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada (maaliyadda iyo qorsheynta). Waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِى ٱلْأَرْضِ يَتَبَوَّأُ مِنْهَا حَيْثُ يَشَآءُ نُصِيبُ بِرَحْمَتِنَا مَن نَّشَآءُ وَلَا نُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُحْسِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. Sidaasaan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada (Masar), wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meeshuu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada ciddaan doonno, mana dayacno abaalka sama falayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَأَجْرُ ٱلْـَٔاخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 57. Ajarka Aakhiraana u khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee iska jira xumaha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَآءَ إِخْوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَعَرَفَهُمْ وَهُمْ لَهُۥ مُنكِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 58.Yuusuf walaalihiis baa yimid [15], markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn [16].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمْ قَالَ ٱئْتُونِى بِأَخٍ لَّكُم مِّنْ أَبِيكُمْ أَلَا تَرَوْنَ أَنِّىٓ أُوفِى ٱلْكَيْلَ وَأَنَا۠ خَيْرُ ٱلْمُنزِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 59.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِن لَّمْ تَأْتُونِى بِهِۦ فَلَا كَيْلَ لَكُمْ عِندِى وَلَا تَقْرَبُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 60. Haddaydaan ii keeninna (walaakiin), kama heleysaan beeg xaggeyga, mana ii soo dhowaaneysaan (mar kale).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ سَنُرَٰوِدُ عَنْهُ أَبَاهُ وَإِنَّا لَفَٰعِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 61. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ka dhaadhicin aabbihi, waana faleynaa sidaas.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ لِفِتْيَٰنِهِ ٱجْعَلُوا۟ بِضَٰعَتَهُمْ فِى رِحَالِهِمْ لَعَلَّهُمْ يَعْرِفُونَهَآ إِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمْ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 62. Wuxuuna, ku yidhi shaqaalahiisii: "U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda [17], si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda (oo u tixgeliyaan) si ay u soo laabtaan."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا رَجَعُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَبِيهِمْ قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَا مُنِعَ مِنَّا ٱلْكَيْلُ فَأَرْسِلْ مَعَنَآ أَخَانَا نَكْتَلْ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 63. Markay u noqdeen aabbahood, waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib hadduuna walaalkayo Binyaamiin na raacin). Ee nagu dar walaalkayo [18], waxaanu soo heli beeg dhan, innaguna waanu ilaalin isaga."
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ هَلْ ءَامَنُكُمْ عَلَيْهِ إِلَّا كَمَآ أَمِنتُكُمْ عَلَىٰٓ أَخِيهِ مِن قَبْلُ فَٱللَّهُ خَيْرٌ حَٰفِظًا وَهُوَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 64. (Yacquub) wuxuu yidhi: Miyaan idinku aamini karaa waxaan ahayn sidaan idiinku aaminay walaalki (Yuusuf) awal hore. Alle baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye ahaan, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا فَتَحُوا۟ مَتَٰعَهُمْ وَجَدُوا۟ بِضَٰعَتَهُمْ رُدَّتْ إِلَيْهِمْ قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَا مَا نَبْغِى هَٰذِهِۦ بِضَٰعَتُنَا رُدَّتْ إِلَيْنَا وَنَمِيرُ أَهْلَنَا وَنَحْفَظُ أَخَانَا وَنَزْدَادُ كَيْلَ بَعِيرٍ ذَٰلِكَ كَيْلٌ يَسِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 65. Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay [19]. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keeni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan [20].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ لَنْ أُرْسِلَهُۥ مَعَكُمْ حَتَّىٰ تُؤْتُونِ مَوْثِقًا مِّنَ ٱللَّهِ لَتَأْتُنَّنِى بِهِۦٓ إِلَّآ أَن يُحَاطَ بِكُمْ فَلَمَّآ ءَاتَوْهُ مَوْثِقَهُمْ قَالَ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 66. Wuxuu (Yacquub) yidhi: Idinla diri maayo jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Alle, inaad dib iigu keeneysaan, in (col) idin hareereeyo maahee, markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Alle baa marag ka ah waxaanu leennahay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ يَٰبَنِىَّ لَا تَدْخُلُوا۟ مِنۢ بَابٍ وَٰحِدٍ وَٱدْخُلُوا۟ مِنْ أَبْوَٰبٍ مُّتَفَرِّقَةٍ وَمَآ أُغْنِى عَنكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ إِنِ ٱلْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَعَلَيْهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 67. Wuxuuna yidhi: Maandhooyinow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Alle Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا دَخَلُوا۟ مِنْ حَيْثُ أَمَرَهُمْ أَبُوهُم مَّا كَانَ يُغْنِى عَنْهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ إِلَّا حَاجَةً فِى نَفْسِ يَعْقُوبَ قَضَىٰهَا وَإِنَّهُۥ لَذُو عِلْمٍ لِّمَا عَلَّمْنَٰهُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 68. Markay u galeen (magaalada) siduu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Alle, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Wuxuuna lahaa cilmi, waxa aanu barnay ah, dadka badankiisuse ma oga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا دَخَلُوا۟ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيْهِ أَخَاهُ قَالَ إِنِّىٓ أَنَا۠ أَخُوكَ فَلَا تَبْتَئِسْ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 69. Markay u galeen Yuusuf, wuxuu u soo dhoweeyey xaggiisa walaalki oo ku yidhi: Anigu waxaan ahay walaalkaa, ee ha ka xumaan waxay falayeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمْ جَعَلَ ٱلسِّقَايَةَ فِى رَحْلِ أَخِيهِ ثُمَّ أَذَّنَ مُؤَذِّنٌ أَيَّتُهَا ٱلْعِيرُ إِنَّكُمْ لَسَٰرِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 70.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ وَأَقْبَلُوا۟ عَلَيْهِم مَّاذَا تَفْقِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 71. Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ نَفْقِدُ صُوَاعَ ٱلْمَلِكِ وَلِمَن جَآءَ بِهِۦ حِمْلُ بَعِيرٍ وَأَنَا۠ بِهِۦ زَعِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 72. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii [21] wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ لَقَدْ عَلِمْتُم مَّا جِئْنَا لِنُفْسِدَ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا كُنَّا سَٰرِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 73. Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ فَمَا جَزَٰٓؤُهُۥٓ إِن كُنتُمْ كَٰذِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 74. Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani [22], haddaad been sheegeysaan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ جَزَٰٓؤُهُۥ مَن وُجِدَ فِى رَحْلِهِۦ فَهُوَ جَزَٰٓؤُهُۥ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 75. Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani [23] waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta (denbiilayaasha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَآءِ أَخِيهِ ثُمَّ ٱسْتَخْرَجَهَا مِن وِعَآءِ أَخِيهِ كَذَٰلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِى دِينِ ٱلْمَلِكِ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَٰتٍ مَّن نَّشَآءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِى عِلْمٍ عَلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 76. Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوٓا۟ إِن يَسْرِقْ فَقَدْ سَرَقَ أَخٌ لَّهُۥ مِن قَبْلُ فَأَسَرَّهَا يُوسُفُ فِى نَفْسِهِۦ وَلَمْ يُبْدِهَا لَهُمْ قَالَ أَنتُمْ شَرٌّ مَّكَانًا وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا تَصِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 77. Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay [24], umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan. Alle dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْعَزِيزُ إِنَّ لَهُۥٓ أَبًا شَيْخًا كَبِيرًا فَخُذْ أَحَدَنَا مَكَانَهُۥٓ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلْمُحْسِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 78. Waxay yidhaahdeen: Mudanow [25]! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ أَن نَّأْخُذَ إِلَّا مَن وَجَدْنَا مَتَٰعَنَا عِندَهُۥٓ إِنَّآ إِذًا لَّظَٰلِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 79. Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا ٱسْتَيْـَٔسُوا۟ مِنْهُ خَلَصُوا۟ نَجِيًّا قَالَ كَبِيرُهُمْ أَلَمْ تَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ أَبَاكُمْ قَدْ أَخَذَ عَلَيْكُم مَّوْثِقًا مِّنَ ٱللَّهِ وَمِن قَبْلُ مَا فَرَّطتُمْ فِى يُوسُفَ فَلَنْ أَبْرَحَ ٱلْأَرْضَ حَتَّىٰ يَأْذَنَ لِىٓ أَبِىٓ أَوْ يَحْكُمَ ٱللَّهُ لِى وَهُوَ خَيْرُ ٱلْحَٰكِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga [26], Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱرْجِعُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَبِيكُمْ فَقُولُوا۟ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّ ٱبْنَكَ سَرَقَ وَمَا شَهِدْنَآ إِلَّا بِمَا عَلِمْنَا وَمَا كُنَّا لِلْغَيْبِ حَٰفِظِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan [27].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَسْـَٔلِ ٱلْقَرْيَةَ ٱلَّتِى كُنَّا فِيهَا وَٱلْعِيرَ ٱلَّتِىٓ أَقْبَلْنَا فِيهَا وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 82. Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا فَصَبْرٌ جَمِيلٌ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَأْتِيَنِى بِهِمْ جَمِيعًا إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir qurxoon (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَٰٓأَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَٱبْيَضَّتْ عَيْنَاهُ مِنَ ٱلْحُزْنِ فَهُوَ كَظِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed [28] isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ تَفْتَؤُا۟ تَذْكُرُ يُوسُفَ حَتَّىٰ تَكُونَ حَرَضًا أَوْ تَكُونَ مِنَ ٱلْهَٰلِكِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad dhimato.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ إِنَّمَآ أَشْكُوا۟ بَثِّى وَحُزْنِىٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعْلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle [29] wax aydaan ogayn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَٰبَنِىَّ ٱذْهَبُوا۟ فَتَحَسَّسُوا۟ مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَا۟يْـَٔسُوا۟ مِن رَّوْحِ ٱللَّهِ إِنَّهُۥ لَا يَا۟يْـَٔسُ مِن رَّوْحِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلْقَوْمُ ٱلْكَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 87. Maandhooyinow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, hana ka quusannina Naxariista Alle. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Alle aan aheyn qoloda gaalada ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ قَالُوا۟ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْعَزِيزُ مَسَّنَا وَأَهْلَنَا ٱلضُّرُّ وَجِئْنَا بِبِضَٰعَةٍ مُّزْجَىٰةٍ فَأَوْفِ لَنَا ٱلْكَيْلَ وَتَصَدَّقْ عَلَيْنَآ إِنَّ ٱللَّهَ يَجْزِى ٱلْمُتَصَدِّقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 88. Markay u soo galeen (Yuusuf), waxay yidhaahdeen: Mudanow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo wax nagu sadaqeyso. Hubaal, Alle baa u abaal guda kuwa wax sadaqeysta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ هَلْ عَلِمْتُم مَّا فَعَلْتُم بِيُوسُفَ وَأَخِيهِ إِذْ أَنتُمْ جَٰهِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 89. Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidaad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوٓا۟ أَءِنَّكَ لَأَنتَ يُوسُفُ قَالَ أَنَا۠ يُوسُفُ وَهَٰذَآ أَخِى قَدْ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَآ إِنَّهُۥ مَن يَتَّقِ وَيَصْبِرْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ ٱلْمُحْسِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 90. Waxay yidhaahdeen: Adigu ma Yuusuf baa tahay? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay. Alle baa runtii noo nicmeeyey. Hubaal, kii isagu iska dhowra (xume) oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), hubaal Alle ma dayaco abaalka sama falayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ لَقَدْ ءَاثَرَكَ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَإِن كُنَّا لَخَٰطِـِٔينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 91. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaa runtii naga kaa doortay Alle, innaguna waa gefsaneyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ لَا تَثْرِيبَ عَلَيْكُمُ ٱلْيَوْمَ يَغْفِرُ ٱللَّهُ لَكُمْ وَهُوَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 92. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Canaan korkiinna ma aha maanta, Allaha idiin dembi dhaafo, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱذْهَبُوا۟ بِقَمِيصِى هَٰذَا فَأَلْقُوهُ عَلَىٰ وَجْهِ أَبِى يَأْتِ بَصِيرًا وَأْتُونِى بِأَهْلِكُمْ أَجْمَعِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 93. Qaata shaarkaygaan oo ku tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon mid wax arka, oo ii keena ehelediinna oo dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا فَصَلَتِ ٱلْعِيرُ قَالَ أَبُوهُمْ إِنِّى لَأَجِدُ رِيحَ يُوسُفَ لَوْلَآ أَن تُفَنِّدُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 94. Markuu safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Anigu waxaan heli caraftii Yuusuf, haddaydaan i dhaliileyn [30].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ تَٱللَّهِ إِنَّكَ لَفِى ضَلَٰلِكَ ٱلْقَدِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 95. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaad ku sugan tahay gefkaagii hore.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّآ أَن جَآءَ ٱلْبَشِيرُ أَلْقَىٰهُ عَلَىٰ وَجْهِهِۦ فَٱرْتَدَّ بَصِيرًا قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّىٓ أَعْلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray 'shaarkii' [31] wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَا ٱسْتَغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَآ إِنَّا كُنَّا خَٰطِـِٔينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ سَوْفَ أَسْتَغْفِرُ لَكُمْ رَبِّىٓ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا دَخَلُوا۟ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيْهِ أَبَوَيْهِ وَقَالَ ٱدْخُلُوا۟ مِصْرَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَرَفَعَ أَبَوَيْهِ عَلَى ٱلْعَرْشِ وَخَرُّوا۟ لَهُۥ سُجَّدًا وَقَالَ يَٰٓأَبَتِ هَٰذَا تَأْوِيلُ رُءْيَٰىَ مِن قَبْلُ قَدْ جَعَلَهَا رَبِّى حَقًّا وَقَدْ أَحْسَنَ بِىٓ إِذْ أَخْرَجَنِى مِنَ ٱلسِّجْنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلْبَدْوِ مِنۢ بَعْدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيْطَٰنُ بَيْنِى وَبَيْنَ إِخْوَتِىٓ إِنَّ رَبِّى لَطِيفٌ لِّمَا يَشَآءُ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud [32], wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq. Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
رَبِّ قَدْ ءَاتَيْتَنِى مِنَ ٱلْمُلْكِ وَعَلَّمْتَنِى مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ أَنتَ وَلِىِّۦ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ تَوَفَّنِى مُسْلِمًا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّٰلِحِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذَٰلِكَ مِنْ أَنۢبَآءِ ٱلْغَيْبِ نُوحِيهِ إِلَيْكَ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ أَجْمَعُوٓا۟ أَمْرَهُمْ وَهُمْ يَمْكُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Ma aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَكْثَرُ ٱلنَّاسِ وَلَوْ حَرَصْتَ بِمُؤْمِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 103. Dadka badankiisu ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا تَسْـَٔلُهُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 104. Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَأَيِّن مِّنْ ءَايَةٍ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَمُرُّونَ عَلَيْهَا وَهُمْ عَنْهَا مُعْرِضُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا يُؤْمِنُ أَكْثَرُهُم بِٱللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشْرِكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 106. Badankoodna ma rumeeyaan Alle
iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَأَمِنُوٓا۟ أَن تَأْتِيَهُمْ غَٰشِيَةٌ مِّنْ عَذَابِ ٱللَّهِ أَوْ تَأْتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ هَٰذِهِۦ سَبِيلِىٓ أَدْعُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا۠ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِى وَسُبْحَٰنَ ٱللَّهِ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِم مِّنْ أَهْلِ ٱلْقُرَىٰٓ أَفَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَلَدَارُ ٱلْـَٔاخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 109. Ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna [33] marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
حَتَّىٰٓ إِذَا ٱسْتَيْـَٔسَ ٱلرُّسُلُ وَظَنُّوٓا۟ أَنَّهُمْ قَدْ كُذِبُوا۟ جَآءَهُمْ نَصْرُنَا فَنُجِّىَ مَن نَّشَآءُ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُنَا عَنِ ٱلْقَوْمِ ٱلْمُجْرِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَقَدْ كَانَ فِى قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِّأُو۟لِى ٱلْأَلْبَٰبِ مَا كَانَ حَدِيثًا يُفْتَرَىٰ وَلَٰكِن تَصْدِيقَ ٱلَّذِى بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ كُلِّ شَىْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 111. Waxaa dhab ahaan ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta [34], waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Hud
Suuradda Ar-Ra'd →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.