قَالَ مَا خَطْبُكُنَّ إِذْ رَٰوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفْسِهِۦ قُلْنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا عَلِمْنَا عَلَيْهِ مِن سُوٓءٍ قَالَتِ ٱمْرَأَتُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْـَٰٔنَ حَصْحَصَ ٱلْحَقُّ أَنَا۠ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفْسِهِۦ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Wuxuu yidhi: "Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?" Waxay yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa" [13]. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: "Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi."