وَرَفَعَ أَبَوَيْهِ عَلَى ٱلْعَرْشِ وَخَرُّوا۟ لَهُۥ سُجَّدًا وَقَالَ يَٰٓأَبَتِ هَٰذَا تَأْوِيلُ رُءْيَٰىَ مِن قَبْلُ قَدْ جَعَلَهَا رَبِّى حَقًّا وَقَدْ أَحْسَنَ بِىٓ إِذْ أَخْرَجَنِى مِنَ ٱلسِّجْنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلْبَدْوِ مِنۢ بَعْدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيْطَٰنُ بَيْنِى وَبَيْنَ إِخْوَتِىٓ إِنَّ رَبِّى لَطِيفٌ لِّمَا يَشَآءُ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud [32], wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq. Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.