Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay rugtiisa hoyaadka u ah [4] iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood [5], si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa gaalooba odhan: "Kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah".
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo [6], oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida oo Wakiil ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle [7] iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Qofkii raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Kuwaa weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; waxaana buri waxay ku faleen dunida camallo san, waxbana kama jiraan waxay falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna [9] waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labolaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Tolkayow! Idinku weydiisan maayo (gaarsiinta Diinta Alle) maal, abaalgudkeyga Alle baa ii haya. Ma ahi mid eryaya kuwa (Xaqa) rumeeyey. Hubaal waxay la kulmi Rabbigood, Waxaanse arkaa inaad tihiin qolo ka jaahil ah (Weynida Alle iyo Waxdaaniyadiisa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Alle, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinma odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Alle baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan xaqiiq noqon mid ku gardarrooday.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35.Mise waxay leeyihiin wuu been abuurtay 'Qur’aanka'? Dheh: Haddaan been abuurtay, denbigayga aniguu i saaran yahay, aniguna barii baan ka ahay waxaad dambaabtaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Waxaa loo waxyooday Nuux inaysan ku rumeyneyn qolodaada wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxay falaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Oo ku samee Doonni Indhahayaga hor- tooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, hana igala hadlin arrinka kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala; waa la harqine.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Jeer markuu Amarkayagii yimid [10] oo tinnaarkii biyo burqaday, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray 'in la halligayo' [11], iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41.(Nuux) wuxuu yidhi: Ku kora (doonnida) Magaca Alle, oo ay ku socon kuna joogsan. Hubaal, Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Way la socotay (doonnidii) hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii [12], wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Maandhow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Alle cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la harqiyey.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo Xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda ummado ka mid ah kuwa kula jira (waa mu'miniinta, waxaase jiri doona) ummado (kale oo gaalo ah) aan u raaxeyn (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab xanuun badan (Aakhirada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa dhowrsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. (Qoladii) Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya [15], ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una tawbad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad, ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Wayse boqna gooyeen hashii 'oo gowraceen' [16], markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda [19]. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Markay Rusushayadii 'malaa'igta ahayd' u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray [22] wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun [23]. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii [24], iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, hana ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah [25].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88.Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun iyo cilmi) xagga Rabbigay, ina siiyey (Nabinnimo) iyo risiq (xalaal ah) wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo aanan doonayna inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahaynoo i waafajin kara talada toosan. Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana ula noqdaa (tawbad).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha [27], xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood kal hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Cadaabka) oo aan waxba laga dhimeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112.Ee hay kuna sugnow dhabbaha toosan (ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee tawbad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113.Ha ka raalli noqonnina oo ha u iliinana kuwa dulmiga (shirkiga iyo xumaha) fala, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Rabbigaa uma halaago magaaloo- yinka dulmi iyagoo ay dadkoodu wanaagga is faraan (xumahana iska reebaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Alle baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaa ma aha mid moog waxaad falaysaan.