وَقَالَ يَٰبَنِىَّ لَا تَدْخُلُوا۟ مِنۢ بَابٍ وَٰحِدٍ وَٱدْخُلُوا۟ مِنْ أَبْوَٰبٍ مُّتَفَرِّقَةٍ وَمَآ أُغْنِى عَنكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ إِنِ ٱلْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَعَلَيْهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Wuxuuna yidhi: Maandhooyinow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Alle Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta.