caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Ahqaf الأحقاف

35 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 66

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ حمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Xaa Miim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَمَّآ أُنذِرُوا۟ مُعْرِضُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ أَرَءَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِى مَاذَا خَلَقُوا۟ مِنَ ٱلْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱئْتُونِى بِكِتَٰبٍ مِّن قَبْلِ هَٰذَآ أَوْ أَثَٰرَةٍ مِّنْ عِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4.Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ وَهُمْ عَن دُعَآئِهِمْ غَٰفِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُوا۟ لَهُمْ أَعْدَآءً وَكَانُوا۟ بِعِبَادَتِهِمْ كَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ قُلْ إِنِ ٱفْتَرَيْتُهُۥ فَلَا تَمْلِكُونَ لِى مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا هُوَ أَعْلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan 'oo been ah' [2]. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدْرِى مَا يُفْعَلُ بِى وَلَا بِكُمْ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha [3] mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ وَكَفَرْتُم بِهِۦ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ مِثْلِهِۦ فَـَٔامَنَ وَٱسْتَكْبَرْتُمْ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil [4] inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey [5] halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَآ إِلَيْهِ وَإِذْ لَمْ يَهْتَدُوا۟ بِهِۦ فَسَيَقُولُونَ هَٰذَآ إِفْكٌ قَدِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen [6] rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِن قَبْلِهِۦ كِتَٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامًا وَرَحْمَةً وَهَٰذَا كِتَٰبٌ مُّصَدِّقٌ لِّسَانًا عَرَبِيًّا لِّيُنذِرَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَبُشْرَىٰ لِلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسْتَقَٰمُوا۟ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada [7], ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ إِحْسَٰنًا حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ كُرْهًا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا وَحَمْلُهُۥ وَفِصَٰلُهُۥ ثَلَٰثُونَ شَهْرًا حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَصْلِحْ لِى فِى ذُرِّيَّتِىٓ إِنِّى تُبْتُ إِلَيْكَ وَإِنِّى مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu wanaajiyo oo daryeelo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu tawbad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنْهُمْ أَحْسَنَ مَا عَمِلُوا۟ وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّـَٔاتِهِمْ فِىٓ أَصْحَٰبِ ٱلْجَنَّةِ وَعْدَ ٱلصِّدْقِ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Kuwaa weeye kuwa aanu ka aqbalno camalkooda fiican oo aan iska dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha - ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِى قَالَ لِوَٰلِدَيْهِ أُفٍّ لَّكُمَآ أَتَعِدَانِنِىٓ أَنْ أُخْرَجَ وَقَدْ خَلَتِ ٱلْقُرُونُ مِن قَبْلِى وَهُمَا يَسْتَغِيثَانِ ٱللَّهَ وَيْلَكَ ءَامِنْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ فَيَقُولُ مَا هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saarayo iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Waxayna labadiisa waalid gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh wiilkooda): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Ballan qaadka Alle waa Xaqe. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxaan aheyn sheekooyinkii kuwii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ ٱلْقَوْلُ فِىٓ أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ خَٰسِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Waa kuwo xaqiiq khasaaray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلِكُلٍّ دَرَجَٰتٌ مِّمَّا عَمِلُوا۟ وَلِيُوَفِّيَهُمْ أَعْمَٰلَهُمْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoon la dulmineyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَذْهَبْتُمْ طَيِّبَٰتِكُمْ فِى حَيَاتِكُمُ ٱلدُّنْيَا وَٱسْتَمْتَعْتُم بِهَا فَٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ ٱلْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَفْسُقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Maalinta marka kuwa gaalooba loo soo bandhigi Naarta (waxaa lagu odhan): Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka oo ku raaxaysateen in muddo ah, maantase waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, waxaad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiin- nii darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ أَخَا عَادٍ إِذْ أَنذَرَ قَوْمَهُۥ بِٱلْأَحْقَافِ وَقَدْ خَلَتِ ٱلنُّذُرُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦٓ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Xus (reer) Caad walaalkood [8], markuu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) dhab ahaanna digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin Daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا لِتَأْفِكَنَا عَنْ ءَالِهَتِنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxaad noogu gooddiso, haddaad run sheegeyso.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّمَا ٱلْعِلْمُ عِندَ ٱللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّآ أُرْسِلْتُ بِهِۦ وَلَٰكِنِّىٓ أَرَىٰكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Wuxuu yidhi: Alle baa ku Cilmi leh (goorta caddibaaddiinna), waxaana idin soo gaarsiin Fartiinta la ila soo diray, waxaanse arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah moog (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا رَأَوْهُ عَارِضًا مُّسْتَقْبِلَ أَوْدِيَتِهِمْ قَالُوا۟ هَٰذَا عَارِضٌ مُّمْطِرُنَا بَلْ هُوَ مَا ٱسْتَعْجَلْتُم بِهِۦ رِيحٌ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni.Ma jirto’ ee waa waxaad dalabteen in la soo dedejiyo [9]. Waa dabeyl wadata cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تُدَمِّرُ كُلَّ شَىْءٍۭ بِأَمْرِ رَبِّهَا فَأَصْبَحُوا۟ لَا يُرَىٰٓ إِلَّا مَسَٰكِنُهُمْ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْقَوْمَ ٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaasay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda denbiilayaasha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ مَكَّنَّٰهُمْ فِيمَآ إِن مَّكَّنَّٰكُمْ فِيهِ وَجَعَلْنَا لَهُمْ سَمْعًا وَأَبْصَٰرًا وَأَفْـِٔدَةً فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَآ أَبْصَٰرُهُمْ وَلَآ أَفْـِٔدَتُهُم مِّن شَىْءٍ إِذْ كَانُوا۟ يَجْحَدُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxaanu u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo laabo, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo laabahoodii, waayo waxay dafireen Aayadaha Alle, waxaana ku dhacay oo koobay waxay ku jees-jeesayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا مَا حَوْلَكُم مِّنَ ٱلْقُرَىٰ وَصَرَّفْنَا ٱلْـَٔايَٰتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, waxaana ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo denbiyada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَوْلَا نَصَرَهُمُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ قُرْبَانًا ءَالِهَةًۢ بَلْ ضَلُّوا۟ عَنْهُمْ وَذَٰلِكَ إِفْكُهُمْ وَمَا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Maxay ugu soo gargaari waayeen kuway ka dhigteen Alle ka sokow ilaahyo [10] si ay ugu dhoweeyaan Alle? Mayee’ way ka dhumeen, kaasina waa baadilkoodii iyo waxay been abuuran jireen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ صَرَفْنَآ إِلَيْكَ نَفَرًا مِّنَ ٱلْجِنِّ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقُرْءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓا۟ أَنصِتُوا۟ فَلَمَّا قُضِىَ وَلَّوْا۟ إِلَىٰ قَوْمِهِم مُّنذِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. (Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaysan Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ يَٰقَوْمَنَآ إِنَّا سَمِعْنَا كِتَٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعْدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ يَهْدِىٓ إِلَى ٱلْحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٍ مُّسْتَقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Allle ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰقَوْمَنَآ أَجِيبُوا۟ دَاعِىَ ٱللَّهِ وَءَامِنُوا۟ بِهِۦ يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُجِرْكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Tolkanagow! Raaca daaciga Alle [11] oo rumeeya, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi denbiyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن لَّا يُجِبْ دَاعِىَ ٱللَّهِ فَلَيْسَ بِمُعْجِزٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَيْسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءُ أُو۟لَٰٓئِكَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَلَمْ يَعْىَ بِخَلْقِهِنَّ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ بَلَىٰٓ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَلَيْسَ هَٰذَا بِٱلْحَقِّ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَرَبِّنَا قَالَ فَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Maalinta loo soo bandhigi kuwa gaalooba Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْعَزْمِ مِنَ ٱلرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِل لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا سَاعَةً مِّن نَّهَارٍۭ بَلَٰغٌ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا ٱلْقَوْمُ ٱلْفَٰسِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen [12], hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabka). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn fallaagada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70