Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofka aad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistay, taasina waa Liibaanta Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Hubaal, kuwa gaalooba waxaa loogu dhawaaqi: Naceybka Alle idiin qabay (xilligii adduunka) ayaa ka weynaa naceybka aad hadda u qabtaan nafahiinna, iyadoo la idiinku yeedhay Iimaanka aadse diiddeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Cadaab)kaasi (aad mudateen gaaloy) waxaa u sabab ah marka la idiinku yeedho Towxiidka iyo in Alle loo Keliya yeelo cibaadada aad gaalowdaan, markase loo shariig yeelo aad rumaysaan. Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. (Alle waa) Kan idin tusiya Calaamooyin- kiisa oo idiinka soo dejiya risiq (roob) samada, cidise kuma waantowdo aan ahayn kawa u laabashada badan (Alle) ee tawbad keenka badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. (Alle) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay (khayr ama shar), dulmi ma jiro Maalintaa [3]. Hubaal, Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Alle wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba. Hubaal, Alle, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan oo ka camiraad badan arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax Alle ka difaaca.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan). Dhagarta gaaladu ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro iyo fashil.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diintiinna ama uu ka muujiyo arlada fasahaad [4].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Wixii ku dhacay oo kale qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey. Alle ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Alle. Qofkuu Alle lumiyo ma uu laha wax hanuunin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Wuxuu dhab ahaan Yuusuf idiinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wuxuu idiin keenay, jeer markuu dhintay aad tidhaahdeen: Alle ma soo dirayo wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaasuu Alle u lumiyaa kan ah xad gudbe, shaki qabeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kuwa ka dooda Aayadaha Alle iyagoon heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax uu Alle aad u neceb yahay (ka doodkaasi) oo (sidoo kale ay neceb yihiin) mu'miniinta. Sidaasuu Alle u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Waddooyinka loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; waxaana u maleyn inuu yahay beenaale. Sidaasaa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, loogana duway Jidka (Toosan). Ma ahayn dhagartii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) baabba’a isaga ku dhacay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Marka waad xusuusan doontaan waxaan idinku leeyahay, waxaana u tala saartay arrinkayga Alle. Hubaal Alle wuu Arkaa addoomahiisa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab 'kastaba' [9], Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdona (waxaa la odhan): Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Kuwii isla weynaa waxay odhan: Waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Alle waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin keliya cadaabka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga [10], kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Hubaal, kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uumanka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Kuwa beeniyay Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Alle ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon. Ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Alle ma’ahee. Markase uu Amarka Alle yimaado, waxaa wax lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaara halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Alle waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Alle Keliya, oo ku gaalownay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay.