رَفِيعُ ٱلدَّرَجَٰتِ ذُو ٱلْعَرْشِ يُلْقِى ٱلرُّوحَ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ لِيُنذِرَ يَوْمَ ٱلتَّلَاقِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. (Alle) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada).