caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ar-Room الروم

60 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 84

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Alif laam-miim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

غُلِبَتِ ٱلرُّومُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Ruum waxaa lagaga adkaaday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِىٓ أَدْنَى ٱلْأَرْضِ وَهُم مِّنۢ بَعْدِ غَلَبِهِمْ سَيَغْلِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Dhulka soke ee hooseeya (Shaam), iyaguna, kaddib markii laga adkaaday [2], way adkaan doonaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى بِضْعِ سِنِينَ لِلَّهِ ٱلْأَمْرُ مِن قَبْلُ وَمِنۢ بَعْدُ وَيَوْمَئِذٍ يَفْرَحُ ٱلْمُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Dhowr sano gudahood, Amarka Alle baa iska leh hor iyo gadaalba. Maalintaasayna mu’miniintu ku farxi [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِنَصْرِ ٱللَّهِ يَنصُرُ مَن يَشَآءُ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Gargaarka Alle, wuxuu (Alle) u gargaaraa cidduu doono, waana Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعْدَ ٱللَّهِ لَا يُخْلِفُ ٱللَّهُ وَعْدَهُۥ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waa Ballan Alle, kama uu baxo Alle Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَعْلَمُونَ ظَٰهِرًا مِّنَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ عَنِ ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ غَٰفِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا۟ فِىٓ أَنفُسِهِم مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآئِ رَبِّهِمْ لَكَٰفِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Miyeyna ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ كَانُوٓا۟ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَأَثَارُوا۟ ٱلْأَرْضَ وَعَمَرُوهَآ أَكْثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray. Alle ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ كَانَ عَٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔوا۟ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُوا۟ بِهَا يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Alle beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Alle baa billaabay uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin soo celin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبْلِسُ ٱلْمُجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمْ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمْ شُفَعَٰٓؤُا۟ وَكَانُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ كَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri kuway Alle la wadaajiyeen (cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَتَفَرَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَهُمْ فِى رَوْضَةٍ يُحْبَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا وَلِقَآئِ ٱلْـَٔاخِرَةِ فَأُو۟لَٰٓئِكَ فِى ٱلْعَذَابِ مُحْضَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Kuwase gaaloobay oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada - kuwaa cadaabka ayaa lagu kulmin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسُبْحَٰنَ ٱللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ee Xurmad weyneeya Alle oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) markaad galabsataan [4] iyo markaad waabariisataanba [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. (Alle) baana leh ammaan idilkeed iyo mahad samooyinka iyo arlada gudahood, oo mudan ammaan iyo mahdin Casarka iyo duhurnimadaba [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُخْرِجُ ٱلْحَىَّ مِنَ ٱلْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ ٱلْمَيِّتَ مِنَ ٱلْحَىِّ وَيُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَكَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Wuxuu (Alle) ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٌ تَنتَشِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Awooddiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu idinka abuuray carro, mise waxaad tihiin dad ku faafa arlada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا لِّتَسْكُنُوٓا۟ إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, Wuxuu dhexdiinna yeelay kalgacal iyo naxariis, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦ خَلْقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱخْتِلَٰفُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَٰنِكُمْ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّلْعَٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦ مَنَامُكُم بِٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱبْتِغَآؤُكُم مِّن فَضْلِهِۦٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna habeenka iyo doonashadiinna Deeqdiisa maalinta. Xaqiiq Waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin ciddii wax maqli.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦ يُرِيكُمُ ٱلْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنَزِّلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَيُحْىِۦ بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, Wuxuu ka soo dejiyaa biyo (roob) daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax fahmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلْأَرْضُ بِأَمْرِهِۦ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمْ دَعْوَةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ إِذَآ أَنتُمْ تَخْرُجُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana markuu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ كُلٌّ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay u hoggaansan yihiin (oo adeecaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهْوَنُ عَلَيْهِ وَلَهُ ٱلْمَثَلُ ٱلْأَعْلَىٰ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda. Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ضَرَبَ لَكُم مَّثَلًا مِّنْ أَنفُسِكُمْ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِى مَا رَزَقْنَٰكُمْ فَأَنتُمْ فِيهِ سَوَآءٌ تَخَافُونَهُمْ كَخِيفَتِكُمْ أَنفُسَكُمْ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَٰتِ لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiinna ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii wax fahmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَهْوَآءَهُم بِغَيْرِ عِلْمٍ فَمَن يَهْدِى مَنْ أَضَلَّ ٱللَّهُ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا فِطْرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِى فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيْهَا لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ ٱللَّهِ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Alle ku beeray dadka. Waa inaysan jirin beddelaad uunka Alle (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُنِيبِينَ إِلَيْهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. (idinkoo) Alle u noqon oo tawbad keen ah, dhowrana (amarradiisa), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُوا۟ دِينَهُمْ وَكَانُوا۟ شِيَعًا كُلُّ حِزْبٍۭ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan [7] ay ku faraxsan yihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا مَسَّ ٱلنَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا۟ رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَآ أَذَاقَهُم مِّنْهُ رَحْمَةً إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُم بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيَكْفُرُوا۟ بِمَآ ءَاتَيْنَٰهُمْ فَتَمَتَّعُوا۟ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waad ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ أَنزَلْنَا عَلَيْهِمْ سُلْطَٰنًا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُوا۟ بِهِۦ يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo sheegi waxay Alle u shariig yeelaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَآ أَذَقْنَا ٱلنَّاسَ رَحْمَةً فَرِحُوا۟ بِهَا وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌۢ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ إِذَا هُمْ يَقْنَطُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, way ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Miyeyna arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani xaqiiq ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَـَٔاتِ ذَا ٱلْقُرْبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلْمِسْكِينَ وَٱبْنَ ٱلسَّبِيلِ ذَٰلِكَ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجْهَ ٱللَّهِ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ee sii kan qaraabada kula ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub socotada (go'doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Alle, waana kuwaa liibaanayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ ءَاتَيْتُم مِّن رِّبًا لِّيَرْبُوَا۟ فِىٓ أَمْوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرْبُوا۟ عِندَ ٱللَّهِ وَمَآ ءَاتَيْتُم مِّن زَكَوٰةٍ تُرِيدُونَ وَجْهَ ٱللَّهِ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُضْعِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka [8], ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako [9] ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ ثُمَّ رَزَقَكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ هَلْ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَفْعَلُ مِن ذَٰلِكُم مِّن شَىْءٍ سُبْحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Alle waa Kan idin abuuray, haddana idin irsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan), wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ظَهَرَ ٱلْفَسَادُ فِى ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ بِمَا كَسَبَتْ أَيْدِى ٱلنَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعْضَ ٱلَّذِى عَمِلُوا۟ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo badda waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلُ كَانَ أَكْثَرُهُم مُّشْرِكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta kuwii hore (ee beeniyey Xaqa). Waxay ahaayeen badankoodu gaalo mushrikiin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ ٱلْقَيِّمِ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ يَوْمٌ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ يَوْمَئِذٍ يَصَّدَّعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Ee u jeedi wejigaaga xagga diinta toosan (Islaamka) ka hor inta aysan ka imaan Alle Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi [11].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَن كَفَرَ فَعَلَيْهِ كُفْرُهُۥ وَمَنْ عَمِلَ صَٰلِحًا فَلِأَنفُسِهِمْ يَمْهَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Qofkii gaalooba (isaga bay dhibeysaa) gaalnimadiisu, qofkiise wanaag fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن فَضْلِهِۦٓ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Si uu Alle ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala deeqdiisa; hubaal Alle ma uu jecla gaalada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن يُرْسِلَ ٱلرِّيَاحَ مُبَشِّرَٰتٍ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَلِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, inaad Alle ku mahdisaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَىٰ قَوْمِهِمْ فَجَآءُوهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَٱنتَقَمْنَا مِنَ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxaan dhab ahaan u soo dirnay hortaa Rusul xagga dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, waana ka aarsannay kuwii denbi falay. Waa xaq na saaran u gargaarka mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ ٱلَّذِى يُرْسِلُ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَيَبْسُطُهُۥ فِى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ يَشَآءُ وَيَجْعَلُهُۥ كِسَفًا فَتَرَى ٱلْوَدْقَ يَخْرُجُ مِنْ خِلَٰلِهِۦ فَإِذَآ أَصَابَ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦٓ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Alle waa Kan soo dira dabeylaha, markaas kicisa daruur, uu ugu fidiyo cirka siduu doono, kana dhiga goosimo, oo aad aragto roobka oo ka soo dhex baxaya, markuu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise way ku farxaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن كَانُوا۟ مِن قَبْلِ أَن يُنَزَّلَ عَلَيْهِم مِّن قَبْلِهِۦ لَمُبْلِسِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Inkastoo ay ahaayeen ka hor intaan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo quus ka joogay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنظُرْ إِلَىٰٓ ءَاثَٰرِ رَحْمَتِ ٱللَّهِ كَيْفَ يُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Ee fiiri raadadka Raxmadda Alle; siduu u nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, Kaasi wuu soo nooleyn meytida. Alle wax walba wuu Karaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَئِنْ أَرْسَلْنَا رِيحًا فَرَأَوْهُ مُصْفَرًّا لَّظَلُّوا۟ مِنۢ بَعْدِهِۦ يَكْفُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Haddaan ku dirno dabeyl daran (beertooda), oo ay arkaan iyadoo doorsoontay oo caddaatay, waxay markaas noqdaan kuwo ka abaal dhaca 'Alle' [12].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّكَ لَا تُسْمِعُ ٱلْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوْا۟ مُدْبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Ee adigu (Nabiyow) wax ma maqashiin kartid maytida, mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِ ٱلْعُمْىِ عَن ضَلَٰلَتِهِمْ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Ma ka hanuunin kartid kuwa ka indha la’ (Xaqa) lunsanaantooda, cidna ma maqashiin kartid (Xaqa) aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo u hoggaansan (Muslimiimta ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن ضَعْفٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعْدِ ضَعْفٍ قُوَّةً ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعْدِ قُوَّةٍ ضَعْفًا وَشَيْبَةً يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ وَهُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْقَدِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Alle waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Waana Isaga wax kasta Ogsoonaha, wax walba Kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُقْسِمُ ٱلْمُجْرِمُونَ مَا لَبِثُوا۟ غَيْرَ سَاعَةٍ كَذَٰلِكَ كَانُوا۟ يُؤْفَكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Maalinta saacadda (Qiyaame) dhacdona, waxay ku dhaaran denbiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaasay xaqa uga iishaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ وَٱلْإِيمَٰنَ لَقَدْ لَبِثْتُمْ فِى كِتَٰبِ ٱللَّهِ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْبَعْثِ فَهَٰذَا يَوْمُ ٱلْبَعْثِ وَلَٰكِنَّكُمْ كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan: Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Alle ilaa iyo maalinka isa soo Bixinta, marka kani waa Maalinkii isa soo bixinta, ma aydaanse ogeyn [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَوْمَئِذٍ لَّا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مَعْذِرَتُهُمْ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Maalinkaas (Qiyaamaha) ma anfacdo kuwii falay dulmiga (shirki iyo macaasi) cudur daarasho iyo tawbad keen midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِى هَٰذَا ٱلْقُرْءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٍ وَلَئِن جِئْتَهُم بِـَٔايَةٍ لَّيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا مُبْطِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Waxaan ugu soo qaadannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Sidaasuu Alle u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَلَا يَسْتَخِفَّنَّكَ ٱلَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Alle waa xaq, yeysanna ku liidsan kuwa aan (Aakhirada) yaqiinsaneyn (oo kaa dhigin mid aan ku sugnaan diintiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70