Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonnay nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu xaqiiq waa saaxir cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Xaggiisaa la idiin soo celin dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa (Xaqa) rumeeya ee samaha fala. Kuwase gaalooba waxay leeyihiin cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan (Aakhirada) gaalnimadooda darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. (Alle) waa Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, una qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Alle uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq. Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka ciddii garasho leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Xaqiiq is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Alle ku abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii Alle ka cabsan (oo iska jiri xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Xaqiiq kuwa aan rajayn la kulankayaga, kuna raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin iimaankooda darti; waxaa qulquli hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah (Jannada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa 'oo la hallagi lahaa' [4]. Waxaanse ku deynaa kuwa aan rajayn la Kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sida inaanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor [5]. Ee miyeydaan garowsaneyn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa, xaqiiq, denbiilayaasha ma liibaanaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti [6]. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka sugan samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxay yidhaahdeen: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Alle Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. (Alle) waa Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer markaad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabeyl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan ay u timaaddo dabeyl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Alle iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: "Haddaad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan kuwa ku mahdiya".
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Mataalka noloshan adduunku [9] waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka [10] ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah [11] 'eegista Rabbi'. Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29.Alle baa ku filan markhaati dhexdeen- na innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan naf walbaa waxay hor marsatay (khayr ama shar), waxaana loo celiyaa Mudanahooda Xaqa ah, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuurteen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Dheh: Waa kuma kan idinka arsaaqa samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo mayd ka soo saara noole? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka oo idil)? Markaasay odhan: Allaah. Dheh: Miyeydaan iska jireyn (xumaha)?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Kaa weeye Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee la idiinka jeediyey?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Sidaasay ugu rumowday Kelmadda Rabbigaa (Xukunkiisa iyo Qaddarkiisa) kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayneyn (Xaqa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34.Dheh:Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan 'cibaadadiinna' oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Alle baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale, Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Alle baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; malahuna waxba kama taro Xaqa. Hubaal Alle wuu Og yahay waxay falaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Ma aha Qu’raankani [12] wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Mise waxay leeyihiin: Wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh: Keena Suurad la mid ah, oo u yeedha ciddaad kartaan Alle sokadi, haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg siday aheyd cidhibta daalimiinta (gar diidka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Waxaa ka mid ah mid rumeysan (Qur’aankan), iyo midaan rumeysneyn, Rabbigaa wuu Og yahay kuwa waxa fasahaadsha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waxaana ka mid ah kuwo ku soo eega [14], ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon wax arkayn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah, wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa beeniyey la kunlanka Alle, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Haddaan ku tusinno 'intaad nooshahay' qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu [15]?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Mise markuu dhaco ayaad rumayn? Ma imminka (baad rumeyn)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxay ku weydiin: Ma run baa (Qiyaamada)? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Waa xaq. Mana ka baxsan kartaan (Cadaabka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Ogaada, hubaal, waxaa iska leh Alle waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Ogaada, hubaal, Ballanka Alle waa xaq. Badankooduse ma ogsoona.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Dheh: Deeqda Alle (Islaamka) iyo Naxariistiisa (Qur’aanka) - arrinkani ha ku farxeen, isagaa uga khayr badan waxay isu keenaan (oo maal ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Dheh: Bal ka warrama waxa Alle idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Alle baa idin amray, mise Alle ayaad ka been sheegaysaan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Maxayse filan kuwa ka been sheega Alle Maalinta Qiyaamaha? hubaal Alle waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu kuma mahdiyaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Ma jirto waxaad ku sugan tahay oo arrin ah, waxaad ka akhridaan Qur’aanka, iyo camal kasta oo aad fashaan aan idin la joogin (ogeyn) markaad dhex galeysaan. Kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn, bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi [19], markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta 'kuwa u hoggaansan Alle'.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen [20]. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daboosha quluubta xadgudbayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan. Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna xaqiiq ka mid ahaa xadgudbayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Markaasay yidhaahdeen: Alle baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qoloda daalimiinta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay [22]. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga [23] si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay [24], weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Nafna ma rumeyso Idanka Alle la'aantii, Wuxuuna Alle yeelaa qurunka [25] kuwaa dushooda aan (Xaqa) garowsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Dheh: Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu cid aan rumeyneyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi [26]. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Ha baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Hadduu Alle ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa aan Isaga ahayn; hadduu kula doono khayrna ma jirto cid celin karta Deeqdiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Ee raac waxa (Qur’aanka) laguu waxyoodo (Nabiyow) samirna inta Alle ka kala xukumin (dadka). Isagaana u wanaagsan inta garsoorta.