وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ طَرَفَىِ ٱلنَّهَارِ وَزُلَفًا مِّنَ ٱلَّيْلِ إِنَّ ٱلْحَسَنَٰتِ يُذْهِبْنَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ذَٰلِكَ ذِكْرَىٰ لِلذَّٰكِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun [30], arrinkani waa u waano kuwa waana qaata [31].