caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Aadiyaat العاديات

11 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 14

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلْعَٰدِيَٰتِ ضَبْحًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْمُورِيَٰتِ قَدْحًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْمُغِيرَٰتِ صُبْحًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَثَرْنَ بِهِۦ نَقْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ee boodhka kiciya,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَسَطْنَ بِهِۦ جَمْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ee bartanka u gala kulanka 'cadowga';

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Isaga baana taasi ka markhaati ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلْخَيْرِ لَشَدِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Oo hubaal waa ku daran yahay Jaceylka maalka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِى ٱلْقُبُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحُصِّلَ مَا فِى ٱلصُّدُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّخَبِيرٌۢ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70