دَعْوَىٰهُمْ فِيهَا سُبْحَٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَٰمٌ وَءَاخِرُ دَعْوَىٰهُمْ أَنِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Ducadooda waa 'Subxaanakal laahumma [3]' (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa ka hufan xumaan oo xurmoo dhan leh), salaantooduna waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Ducadooda ugu dambeysana waa 'Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin' (ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka).