Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. (Kani waa ogeysiis in) Alle iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin [1] kuwa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Ee (ku) mara (gaaloy) dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Alle, iyo in Alle uu dulleyn gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxaan ahayn kuwa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, markaasna aan idinka nuqsaamin waxba, aanna kaalmeyn cidna lidkiin. U oofiya axdigooda intay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Miyeydaan la dagaallamayn qolo burisay dhaarahooda (ballamahay idinla galeenna ka baxay) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, idinkuna billaabay weerarka markii hore? Miyaad ka baqeysaan? Alle baase mudan inaad ka baqdaan, haddaad tihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. La dagaallama (gaalada duullaanka idinku ah), Alle wuxuu ku cadaabi gacmihiinna oo ku dulleyn, idiinna gar- gaari oo bogsiin laabaha qolo mu’miniin ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Alle wuxuu ka tawbad aqbalaa qofkuu doono. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta sokeeye. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ma laha gaalada mushrikiinta ah inay camiraan masaajidda Alle iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaasi waxaa buray acmaashooda, Naartayna ku dhex waadhi weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxaa uun camira Masaajidda Alle kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Alle maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Alle agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin sokeeyayaal hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganacsi aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah [4].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Markaas Alle ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii gaaloobay.Taasina waa jazada gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sannadkan kaddib [5], haddaad ka cabsataan faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Alle, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Alle iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan raacinna Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada', ilaa ay ka dhiibaan Jisyo [6] si raalli leh iyagoo hoggaansan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Yuhuuddii (Carbeed) waxay yidhaahdeen: Cuzayr waa wiilkii Alle, Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Alle. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay (mushrikiinta). Allaha laayee, maxaa (xaqa) ka duway.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan [7].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Alle afafkooda, ha yeeshee Alle ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane [8].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Alle (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka [9] ee aan wax ku bixin Jidka Alle ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah [12]: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar [13].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba. Alle wax walba wuu Karaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah [14] markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle [15], waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagaan nafahooda, Allena wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Allaha ku cafiyee (Nabiyow)! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle wuu yaqaan oo og yahay dhowrsanayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Hadday (munaafiqiinta) doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: "La fadhiista fadhiidyada (guryaha)".
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn [18]. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee [19]; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Alle wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan (qaxooti ahaan), way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa [20], iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Sadaqooyinka 'Zakada' [21] waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waxay idiinku dhaaran Alle si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Alle Wuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin oo ka baqdaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Haddaad weydiiso (sababta jeesjeeskooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Alle wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqaadka iyo gaalada Naarta Jahannama iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyadaa ku filan. Alle wuu nacladay, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay [24], Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aha Alle mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Alle wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga (Jannada) iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Alle. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Alle [27]: (iyagoo yidhi) Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta ay la kulmayaan, ballankay kaga baxeen Alle iyo beenaha ay sheegayeen awgood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Ma waysan ogayn inuu Alle Og yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Alle yahay kan dhab u Ogsoon waxa qarsoon aan muuqan (Ghaybka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Kuwa ku ceebeeya kuwa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Alle ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Alle baa ku jees jeesi, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. U denbi dhaaf dalab ama ha u denbi dhaaf dalbin, xitaa haddaad u denbi dhaaf dalabto toddobaatan jeer, Alle uma denbi dhaafo, arrinkani waxaa ugu wacan waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Ee ha qoslaan wax yar (adduunka), hana ooyaan wax badan (Aakhiro) abaal marin ahaan waxay kasbadeen (oo denbiyo ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Hadduu kuu soo celiyo Alle koox iyaga ka mid ah, oo ay kaa idan qaataan inay kula baxaan (jihaadka), dheh: ila bixi meysaan waligay, lana dagaallami meysaan cadow la jirkeyga; waayo waxaad ku raalli noqoteen inaad fadhiisataan (oo ka hartaan jihaadka) markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay (ee ka joogay jihaadka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Ha ku tukan (salaad janaazo) weligaa mid ka mid ah (munaafiqiinta) oo dhinta, hana is dul taagin qabrigiisa. Waayo waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna dhinteen iyagoo fallaago ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Oo yeysan maalkooda iyo carruurtoodu ku cajab gelin. Alle wuxuu uun rabaa inuu ku cadaabo adduunkan iyo inay nafaha ka baxaan iyagoo gaalo ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Marka la soo dejiyo Suurad amreysa: Rumeeya Alle oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka), oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa haree fadhiya (guryaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daboolay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeeyey ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Kuwaa weeye kuwa mudan khayraadka, waana kuwaa kuwa liibaani.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Alle wuxuu u diyaarshay beero ay hoos- toodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Arrinkaasi baa ah Guusha Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga (Madiinah hareeraheeda ah) iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii (munaafiqiintii ka midka ahaa ee) u been sheegay Alle iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa gaaloobay ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar [28] ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Alle iyo Rasuulkiisa [29]. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Ma (saarna eed) kuwa markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay ku bixiyaan (jihaadka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo hodan ah deeqtoon. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Alle daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Way idiin cudur daaran markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysaneyno. Alle baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa, markaas waxaa dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiinka warrami waxaad fali jirteen oo dhan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Waxay idiinku dhaaran Alle (inay cudur daar heystaan) markaad ka soo laabataan (dagaalka Tabuuk) si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; waa qurune, hoygooduna waa Jahannama - abaal marin waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96.Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqo- taan, haddiise aad ka raalli noqotaan, Alle kama raalli noqdo qoloda fallaagada ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. (Qaar ka mid ah) reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah baa) ugu daran gaalnimo iyo munaafaqnimo, oo aan isku taxalujin inay ogaadaan soohdimaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi ahaan Rasuulkiisa. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Waxaase reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah) ka mid ah kuwo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ka yeesha waxay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Alle iyo ducooyinka Rasuulka. Waxay u ahaan dhowaansho. Alle wuxuu galin Naxariistiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Kuwase u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta [30] iyo Ansaarta [31] iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuu u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun [32]. Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Miyeyna ogayn in Alle ka aqbalo tawbada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Alle yahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Kuwo kale (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo tawbada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay [33] Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Alle iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda [35] in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo [36]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Kuwa tawbad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma 'ama u baxa diin fidinta', ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhowra soohdimaha Alle [38]. U bishaaree mu’miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeeyey inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar 'ku dhinteen gaalnimo' [39].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay aabbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Alle, barii buu ka noqday. Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan [40]. Hubaal Alle waa Ogsoonaha wax walba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Wuxuu Alle ka tawbad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka tawbad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan (mu'miniinta).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' [41], heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120. Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Alle, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Alle [42], ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga (Islaamka) oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121 Ma jiro wax yar ama weyn oo ay ku bixiyaan (jihaadka) ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Alle ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122. Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtoonaadaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg. Ogaada inuu Alle la jiro dhowrsanayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma tawbad keenaan (Alle), mana waansamaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub127. Marka Suurad la soo dejiyo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin.