Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha [1] aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga markaad xidhataan (Xajka ama Cumrada), Alle wuxuu xukumaa wuxuu doono.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Waxa la idinka xaaraameeyay (cunto ahaan) waa baqtiga, dhiig, hilib doofaar, iyo wixii lagu xuso (gowraco) waxaan magac Alle ahayn, iyo xoolaha lagu dilo ceego, ama jug, ama meel ka soo dhacay, ama hirdin - iyo wuxuu cuno dugaag [2] - waxaad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa loo (gowraco) asnaamta, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku kala qaybsataan ama ku nasiib doonataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maantayna gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga (Alle) Keliya iga baqa. Maantaan [3] idiin dhammeystiray diintiinna, oo idiin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan. Qofkii se ay ku qasabto gaajo daran (inuu cuno baqtiga) isagoo aan u dan laheyn u iilasho denbi, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxay ku weydiin waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan wuxuu idin baray Alle; ee cuna waxay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Alle korkooda. Alle ka cabsada.
Alle waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Maanta (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; cuntada (xoolaha ay gowracaan) kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waa idiin xalaal, cuntadiinnuna waa u xalaal iyaga. (Oo waa idiin xalaal guursiga) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn kana yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Qofkii beeniyana Iimaanka, waxaa bura camalkiisa, Aakhiradana wuxuu ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna (waa Islaamka) iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: 'Waan maqallay waana adeecnay,' oo Alle ka cabsada. Hubaal, Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Alle Darti, markhaatiyo caadil ah, yeysanna naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad falin. Caddaalad fala: sidaasaa u dhow dhowrsanaanta. Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markay qolo (Cadow idiin ah) goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda ee Alle ka cabsada. Alle uun ha tala saarteen mu’miniintu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaadna ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa wax ka tari kara Alle hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? Alle baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Oo (xus, Nabiyow) markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Tolkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markuu idinka soo dhex saaray Nabiyo, idinkana dhigay boqorro, idin siiyeyna waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Dadkaygiiyow (Muslimiinta ah)! Gala arladaan daahirka ah (Qudus) ee Alle idiin qoray (oo idinku waajibshay ka xoreynteeda mushrikiinta) , hana u noqonnina gadaashiinna, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan oo mushrikiin ah), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Alle u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan. Alle tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Innagu ma galeyno weligayo intay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, innagu halkan baanu fadhin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo qolodaa caasiyiinta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. (Alle) wuxuu yidhi: Iyadu (dhulkan daahirka ah) waa ka xaaraan iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri dhulka. Ee ha u murugoon qoloda caasiyiinta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood [5], oo aan laga aqbalin kii kale [6]. (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Alle wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, waxaan anigu ka cabsan Alle, Rabbiga caalamka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalki (Haabiil); oo uu dilay [7], wuxuuna ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Markaasuu Alle soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso siduu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Wuxuuna ahaaday mid ka qoomameeya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Jazaha kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa [9] ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf [10], ama laga fogeeyo arlada. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin Cadaab daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Kuwa tawbad keena maahee inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, una jihaada Jidkiisa Aad liibaantaane.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Hubaal, kuwa gaalooba hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabka Maalinta Qiyaamaha lagama aqbalayo, waxayna leeyihiin Cadaab xanuun Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahoo- da, ciqaab ahaan waxay kasbadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Alle. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Qofkii se tawbad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Alle wuu ka tawbad aqbali. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan [11]. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan [12] qaata, haddiise aan la idin siinin [13], markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkii uu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. (Yuhuuddaa) waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, haddaad ka jeesato waxba kaama dhimaan. Haddaad u kala garsoortana, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Sidee bay kaaga dhigan garsoor, iyagoo heysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Alle [14]?. Markaasna ay jeestaan intaasi kaddib. Kuwani ma aha mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Waxaanu soo dejinnay Towraadda uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Alle) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii (Yuhuudda), kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Alle, waxayna ka ahaayeen markhaati. Ee ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga (Alle) Keliya, hana ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ee ehlu Injiilka wax ha ku garsooreen waxa Alle ku soo dejiyey [17]. Qofkiina aan wax ku garsoorin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah caasiyiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, hana raacin hawadooda, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah wuxuu Alle kugu soo dejiyey oo Waxyi ah. Hadday jeesadaanna, markaa ogow inuu Alle rabo inuu ku ciqaabo denbiyadooda qaarkood. In badan oo dadka ka mid ahina waa caasiyaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Ma garsoorkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxay rabaan? Kumaa se Alle uga garsoor wanaagsan ciddii yaqiinsan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada gacallo iyo sokeeyayaal, iyagaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale, qofkii idinka mid ah ee ka dhigta sokeeye, wuxuu ka mid yahay iyaga. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxaad arki kuwa uu quluubtooda ku jiro cudur (shaki, nifaaq, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Alle keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsanayeen nafahooda ka shallaaya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Alle dhaarahooda midda ugu culus inay idin la jireen? Acmaashooda waxba kama jiraan, waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, wuxuu Alle keeni qolo uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u jihaada Jidka Alle, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kaasi waa Fadliga Alle, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Og.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Qofkii sokeeye ka dhigta Alle iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey, hubaal xisbiga Alle waa iyaga kuwa lib heli.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaalada (mushrikiinta ah) sokeeye. Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Alle, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Alle nacladay oo u cadhooday, oo uu ka yeelay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwaa baa u liita meeqaan ahaan aadna uga lunsan Jidka Toosan (ee Islaamka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeynay (Xaqa); iyagoo xaqiiq la soo gala gaalnimo, oo la baxa. Alle wuu og yahay waxay qarin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waxaad arkeysaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda denbiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay falaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Yuhuuddu waxay yidhaahdeen: Gacanta Alle way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxay ku hadleen dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu (Alle) wax u baxshaa siduu doono. Wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Waxaana dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Alle baa damiya; waxayna ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Dheh: Ehlu-kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka); wuxuuna u kordhin in badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon qoloda gaalada ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan), kuwii heystay Yuhuudiyadda, Saabbi’iintii, iyo Nasaaradii (ahaa Nabi Muxammad horti) - qofkii rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo sama falay, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Dhabtii waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, qaarna way dileen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuse wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya Alle (cibaadada), wuxuu Alle ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah (xaq ah) aan ahayn Alle Keliya. Haddayna ka hari waayaan waxay leeyihiin, waxaa taaban kuwa gaaloobay oo ka mid ah cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Miyeyna u tawbad keeneyn Alle oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Dheh: Ma waxaad caabudeysaan Alle ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, hana raacina hawada dad dhumay mar hore, oo in badan dhumiyey, oo ka dhumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Waxaad arki in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya sokeeye iyo gacallo gaalada. Xumaa waxay naftoodu u hormarisay iyaga oo ah inuu Alle u cadhooday, oo cadaabtay ku waari weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Hadday yihiin kuwo rumeysan Alle iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah, kama ay dhigteen sokeeyayaal iyo saaxiibbo (gaalada), in badanse oo ka mid ah waa caasiyaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Waxaad heli kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwa ah mushrikiinta, waxaadna heli kuwa ugu jaceyl dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Maxaanaan u rumeyneyn Alle iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Markaasuu Alle ku abaal mariyey waxay yidhaahdeen awgeed beero (Jannooyin) ay webiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Taasina waa abaal marinta sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Alle idiin banneeyey, hana xad gudbina. Hubaal, Alle ma jecla kuwa xadgudba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Alle idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), wuxuuse idiin qaban (jabinta) dhaaraha aad si kas ah u gashaan. Kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxaad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkii aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna markaad dhaarataan. Ee dhowra dhaarihiinna. Sidaasuu Alle idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahdisaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku [18] waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Shaydaan wuxuu rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Alle iyo salaadda, ee ma ka joogeysaan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu Alle idinku imtixaani wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Alle u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha [19] idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Alle waa Adkaade, Aar goosi leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro). Dhowra (amarrada) Alle ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Alle wuxuu u yeelay Kacbada Beytka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bilaha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, arrinkani waa si aad u ogaataan in Alle og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo in Alle Og yahay wax walba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (amarrada) Alle wax garadkow aad liibaantaane.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo dejinayo waa la idiin caddeyn, Alle wuu idinka cafiyey. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Ma uusan amrin Alle (yeelashada) Baxiirah [20] ama Saa’ ibah [21] ama Wasiilah [22] ama Xaam [23] gaaladuse waxay ka been sheegaan Alle, badankooduna ma laha garasho.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaanu ka hellay aabbayaashayo, oo haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn (ma raacayaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Arrinkaa baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato [25] dhaarahooda kaddib. Ee Alle ka cabsada, waxna maqla. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah (madaxa adag).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. (Xus) Maalinta uu Alle wada kulmin Rususha oo ku odhan: Maxaa la idiinku jawaabay? Waxay odhan: Ma aynu ogin, Adaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Markaan u waxyooday xawaariyiintii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waan rumeynay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. (Xus) markay xawaariyiintii yidhaahdeen: Ciise ina Maryamow! Ma karaa Rabbigaa inuu nooga soo dejiyo xeero cunto ah samada? Wuxuu yidhi: Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Alle wuxuu yidhi: Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba markaas kaddib, waxaan cadaabi cadaab aan cadaabeyn qof ka mid ah ummadaha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Alle ka sokow? Wuxuu odhan: Xurmoo dhan Adigaa (Allow) leh oo ka hufan (xumaan)! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin, Waxaana anigu markhaati ka ahaa intaan la joogay, markaad se i qabatay anigoo nool (oo kor ii qaadday samada), Adigaa dhowrayey dhowrid dhan oo joogto ah, Adigaana Marag ka ah wax walba oo u jeeda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub119. Alle wuxuu odhan: Kanu waa Maalin ay runtoodu wax u tari runlowyada, waxay leeyihiin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qulqulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli ka yihiin. Taasina waa liibaanta weyn.