قُلْ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَٰتِ ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ تَدْعُونَهُۥ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً لَّئِنْ أَنجَىٰنَا مِنْ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) isu dulleyn iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya.