وَلَا تَطْرُدِ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ مَا عَلَيْكَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَىْءٍ وَمَا مِنْ حِسَابِكَ عَلَيْهِم مِّن شَىْءٍ فَتَطْرُدَهُمْ فَتَكُونَ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Ha eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna [2] Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.