Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha oo rumeeyey (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda [2].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga 'maxaabiista dagaalka' [3], intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal [4] ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale [5]. Kuwa lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Alle soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Hubaal Alle wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Ma qof (mu'min ah) xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof (gaal) camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga [8]: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Alle wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso [9], waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Hubaal kuwa riddoobay kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay [11] waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga). Alle wuu Og yahay sirahooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Mise ma waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Haddaan doonno, waan ku tusi karnaa kuwaasi, waxaadna ku garan astaamahoo- da; waxaad kaloo ku garan hadalkooda leexsan. Alle wuu Og yahay camalladiinna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle, khilaafana Rasuulka, kaddib markuu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Alle, wuuna burin acmaashooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, markaas dhinta iyagoo gaalo ah, Alle sinnaba uguma denbi dhaafo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Ha tabar darraanina (mu’miniintoy), hana weydiisannina nabad (baryo ah cadowyada Islaamka), idinkaa ka sarreyn, Allena idin la jiraa, mana idinkama nusqaaminayo acmaashiinna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Jidka Alle (jihaadka iyo u gargaarka diinta Alle), waxaase idinku jira kuwo bakhayla, qofkiise bakhayla wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa. Alle waa Hodan idinka Deeqtoon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro. Haddaad (Xaqa) ka jeesataan Wuxuu Alle idinku beddeli qolo kale oo aan idinla mid noqoneyn.