بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ جَاعِلِ ٱلْمَلَٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُو۟لِىٓ أَجْنِحَةٍ مَّثْنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَ يَزِيدُ فِى ٱلْخَلْقِ مَا يَشَآءُ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa mudan Allaah, askumaha (abuuray) samooyinka iyo arlada, ka yeelay malaa’igta Rusul (farriin sidayaal ah) leh garbo (baalal ay ku duulaan), labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wuxuu doono. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.