قَالَ إِنِّىٓ أُرِيدُ أَنْ أُنكِحَكَ إِحْدَى ٱبْنَتَىَّ هَٰتَيْنِ عَلَىٰٓ أَن تَأْجُرَنِى ثَمَٰنِىَ حِجَجٍ فَإِنْ أَتْمَمْتَ عَشْرًا فَمِنْ عِندِكَ وَمَآ أُرِيدُ أَنْ أَشُقَّ عَلَيْكَ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. (Shucayb - Jethro) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaan kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan.