وَدَخَلَ ٱلْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِۦ فَٱسْتَغَٰثَهُ ٱلَّذِى مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِى مِنْ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ قَالَ هَٰذَا مِنْ عَمَلِ ٱلشَّيْطَٰنِ إِنَّهُۥ عَدُوٌّ مُّضِلٌّ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Wuxuu soo galay magaalada gooray war la' yihiin dadkeedu [6], markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa [7], kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.