caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Maaida, aayadda 106

Madiina · kala horreynta soo dejinta 112 · 5:106

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ شَهَٰدَةُ بَيْنِكُمْ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ ٱلْمَوْتُ حِينَ ٱلْوَصِيَّةِ ٱثْنَانِ ذَوَا عَدْلٍ مِّنكُمْ أَوْ ءَاخَرَانِ مِنْ غَيْرِكُمْ إِنْ أَنتُمْ ضَرَبْتُمْ فِى ٱلْأَرْضِ فَأَصَٰبَتْكُم مُّصِيبَةُ ٱلْمَوْتِ تَحْبِسُونَهُمَا مِنۢ بَعْدِ ٱلصَّلَوٰةِ فَيُقْسِمَانِ بِٱللَّهِ إِنِ ٱرْتَبْتُمْ لَا نَشْتَرِى بِهِۦ ثَمَنًا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ وَلَا نَكْتُمُ شَهَٰدَةَ ٱللَّهِ إِنَّآ إِذًا لَّمِنَ ٱلْـَٔاثِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maragga dhexdiinna ah markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, waa labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ah, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan [24], waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Alle, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70